WASIIR CALI MAREEXAAN MA BAKHTIIN DOONAA DABKA MUCAARADKU UU KA SOO SHIDAY DEEGAANKIISA?
_________
Cali Xasan Maxamed oo Loo Yaqaano Cali Mareexaan Waa Wasiirka Cusub Ee Biyaha Somaliland, kaas oo uu shalay Xilkaas U Magacaabay Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.
Waxa Uu siyaasadda Soo Galay isaga oo Da’ Yar sida uu Marar Badan Ka Sheegay Fagaareyaal, Waxaana Markii ugu horeysay Magaciisu uu ku Faafay Somaliland Kolkii Uu Ku Soo Baxay Golihii ugu horeeyay Ee Doorasho Ku Yimaada.
Waxa Uu Xilligaasi Xubin Firfircoon Ka ahaa xisbigiisa Kulmiye oo Mucaarad ahaa iyada oo uu doodiisuna weedho Mucaaradeed Ku Gani Jiray Xukuumaddii Hore ee Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin.
Markii uu Xisbigooda Kulmiye 2010Kii Ku Guulaystay Talada Wadanka Waxa uu Cali Mar Qudha Bedelay Weerarkiisii Badnaa Ee Mucaaradada ahaa, isaga oo markan soo Galay dhufays Adag oo difaac ah.
Madaxweynihii hore ee Soomaaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaayo) ayaa Cali U Magacaabay Wasiirka Hawla Guud xilkaas oo uu hayay Ilaa doorashadii 2017 oo isla Kulmiye Ku Guulaystay.
Dadka Falanqeeya Siyaasadda Somaliland, Siiba Dhinaca Deegaanadda Bariga Burco ayaa Isku Raacsan In Uu Cali Xasan Maxamed uu Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi Waxoogaa Ka Dejin Doono Weerarka Badan Ee Mucaaradka ay Cali Ka soo Wada Jeedaan Deegaanadaasi, Maadaama uu galaangal Badan Ku Leeyahay isla Deegaanadan.
Si kasta oo ay ahaatoba Dabka Xisbiyadda Mucaaradka ahi ay Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi Kaga Soo shideen Deegaanada Bariga Burco ayaa si weyn Loo Wada Sugayo Doorka Uu Cali Ka Qaadan Doono Bakhtiintiisa.