Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo isbedelka Cimiladda Marwo Shugri H.Ismaaciil Baandare oo uu weheliyo Agaasimaha Guud ee wasaaradaasi Cabdikariim Aadan Cade iyo qaar ka mid ah Agaasimayaasha Waaxaha ayaa xafiiska Wasiirka ku qaabilay madax ka socotay Haayada Qaramada Midoobay u Qaabilsan Cunada iyo Beeraha ee FOA Xafiiskeeda Hargaysa.
Kulankan ayaa lagaga wada hadalay intii uu socday mashaariicda ay wadanka ka wadaan iyo sidii looga wada shaqayn lahaa, laysagana kaashan lahaa wax ka qabashada dhibaatooyinka deegaanka, saamaynta isbadelka cimiladda isla markaana loo xoojin lahaa wada-shaqaynta Wasaarada iyo Haayada FOA.
Kulankan ayaa kusoo dhamaaday is afgarad iyo mahadnaq.