WASAARADII WARFAAFINTA OO KHILAAF KA CURTAY,15 SHAQAALE AH OO XABSIGA LADHIGAY IYO CIIDANKA BOOLISKA OO LAWAREEGAY WASAARADII.

0
21

[Saxil News.com]Wednesday, May 06, 2015 12:38:26
Wasaaradii Warfaafinta Oo Khilaaf ka Curtay,15 Shaqaale Ah Oo Xabsiga Ladhigay Iyo Ciidanka Booliska Oo Lawareegay Wasaaradii.

Hargaysa(Saxil News.com)Khilaaf Cakiran oo Maalmihii u danbeeyay hadheeyay wasaarada warfaafinta somaliland ayaa saaka soo laba kacleeyay kaas oo dhaliyay inuu wasiirka warfaafinta somaliland albaabka ka soo xidho siinadaayo 30 ka mid ah shaqaalaha oo kaliya.

Shaqaalaha ayaa cabasho ka dhan ka hordhigay barxad hore ee wasaarada kuwaas oo ku dhawaaqayay erayo ay kaga soo horjeedaan wasiir Cukuse kuna dalbanayaan Madaxtooyada in ay ka hawl gasho Halka sartu ka qudhun santahay.

waxa ay ciidanka boolisku xabsiga dhigeen shaqaale gaadhaya 15 qof oo iskugu jira kuwa ka hawl galay idaacada iyo tvga Qaranka somaliland,Ciidamo Badan ayaa lagu xeeray xarunta wasaarada kuwaas oo xabada ku ridayay Shaqaalaha Doonayay Cadaalada.

Wasiirka warfaafinta somaliland oo warbaahinta goobta

 


gaadhay u holatay in ay wax kawaydiiyaan ayaa cadeeyay inaanu wakhtiga diyaar u ahayn inuu dhacdadan ka hadlo,taas oo muujinaysa Siday xaalku yahay

Majiro war rasmi ah oo ka soo baxay Wasaaradda warfaafinta balse xogaha laga helayo wasaaradda ayaa sheegaya in Wasiirka warfaafinta Somaliland Cabdillahi Cukuse  shalay subaxnimadii nidar ku maray in albaabka laga saari doono shaqaalihii taageersanaa maareeyihii xilka laga qaaday ee khilaafku ka dhexeeyay Wasiir Cukuse.waxana saaka wasaarada la keenay laba gaadhi oo askar ah oo amar qaba inay xidhaan qayb ka mid ah shaqaalaha,waxanay markiiba cago-juglay iyo garaacis ku bilaabeen qaar ka mid ah shaqaalah oo kala ah.

Farxaan Finad Faarax farsamoyaqaan ka tirsan Tvga iyo Idaacada Radio Hargaysa,

Liibaan sheikh Cali  Jawhar Cemeraman ka tirsan Tvga Qaranka,

Maxamed Cabdi Xato Wariye ka tirsan Idaacada iyo Tvga,

Jamaal Cabdi Naasir oo ka tirsan Tvga qaranka Somaliland

Nimcaan Axmed Cigaal oo ka tirsan Tvga Qaran;

Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland ayaa gaadhay Wasaarada warfaafinta iyo ciidan uu wato dajiyayna Xaalka kaas oo shir aan natiijadiisa Aan la ogayn layeeshay wasiirka cukuse iyo sababaha keena Khilaafka inta badan soo noq-noqday.

Dhamaan qaybaha wasaarada laga soo Galo wax lawareegay ciidanka RRU kuwaas oo gaadh ka haya albaabad wasaarada si aanay shaqaalaha gadoodsani gudaha ugu gudbin.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here