Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo Bulshada u Jeedisay Farriin la Xidhiidha Roobabka dalka ka curtay

0
211

Hargeysa (Dawan)- Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo bulshada la wadaagtay fariin la xidhiidha roobab badan oo la filayo inay dalka ka da’aan maalmaha soo socda ayaa uuga digtay inay ka fogaadaan goobaha biyo-mareenka ah.

Qoraal uu soo saaray Wasiirka Arrimaha Gudaha Md. Maxamed Kaahin Axmed oo Afhayeenka Wasaarada Arrimaha Gudaha Cabdillahi Axmed Caarshe uu maanta (shalay) warbaahinta u akhriyey ayaa lagu sheegay iyadoo la gellayo wakhtigii Eebe raxmaadkiisa la filayey, kana curtay gobolka Awdal, waxaa la farayaa bulshada deggan agagaarka goobaha dooxyada iyo biyo-mareenka ah inay ka fogaadaan, si degdeg ahna uuga guurtaan goobaha halista keeni kara.

Afhayeenka Arrimaha Gudaha ayaa sheegay in lagu adkeynayo bulshada meel kastoo ay ka joogaan gobolada dalka miyi- iyo magaalo inay ka fogaadaan goobaha biyo-mareenka ah.

Wasiirka Arrimaha Gudaha ayaa sidoo kale qoraalkiisa ku amartay Gudoomiyeyaasha Gobolada iyo Maayirada magaalooyinka dalka inay bulshada ku wacyigeliyaan sidii ay uuga fogaan lahaayeen goobaha biyo-mareenka iyo dooxyada.

Waxa sidoo kale lagu wargeliyey golaha Deegaanka Hargeysa inay ka ilaaliyaan dhalinyarada dooxaha Hargeysa kubada ku ciyaara wakhtigan roobabka.

Qoraalka Wasiirka Arrimaha Gudaha ayaa loogu baaqay bulshada inay foojignaadaan xilli roobaadka, kana fogaadaan goobaha halis ku keeni kara nafahooda iyo hantidooda.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here