Hargeysa( Dawan):-Wasaarada Arimaha Gudaha Somaliland ayaa ka hadashay Diwaangalinta Codbixiyayaasha oo dalka laga soo gabagabeeyay.
Agaasimaha Wasaarada Arimaha Gudaha Maxamed Yuusuf Ismaaciil oo shalay Warbaahinta qaranka la hadlay ayaa sheegay in si nabedgalyo ah ay ku soo dhamaatay Diwaangalinta Codbixiyeyaashu,
agaasime Maxamed Yuusuf oo Arimahaa ka hadlayayna Waxa uu yidhi”Waxa bil ka hor dalka ka bilaabmay Diwaangalinta Codbixiyeyaasha oo aanu kala shaqaynaynay Komishanka Doorashooyinka dhinaca nabedgalyada,waxa ay inoo soo dhamaatay shalay gabaldhicii si nabedgelyo ah ayay dalka uga qabsoontay Diwaangalinta Codbixiyeyaashu.waxaana ku ammaanan Madaxweynaha Somaliland oo bixiyay kharashkii ku baxayay iyo Komishanka Doorashooyinka waana tallaabo hore loo qaaday,waxaana qayb libaaxle ka qaatay Shacabka Xisbiyadda iyo Ururada Siyaasada xaga Wacyigalinta.waxaana ka Wasaarad arimo guddo ahaan uga mahadnaqaynaa Ciidamada sugayay qabashada Diwaangalinta Codbixiyayaasha,waana guul Somaliland usoo hoyatay waxaanan ka sugaynaa Komishanka Doorashooyinka Qaranka kaadh qaybintii Diwaangalinta Codbixiyayaasha,”.