Wasaarada Kaluumaysiga Somaliland Deeq Baabuur Ah Ka Heshay Qaar Ka Mid Ah Haayadaha La Shaqeeya

0
46

Hargaysa (Saxil News.com)-

Hay’adda Oxfam ayaa manta ku wareejisay wasaarada kaluumaysiga Somaliland gaadhi noociisu yahay Land Cruiser.

xaflada lagu wareejinayay gaadhiga oo ay ka soo qayb galeen marti sharaf badan ayaa kadhacday xarunta ay wasaarada kalmuumaysigu ku leedahay caasimada Somaliland, ugu horayna waxaa ka hadlay xaflada oo faah-faahin kabixiyay gaadhiga iyo mihiimada uu uleeyahay wasaarada Madaxa xafiiska Oxfam Cabdiraxmaan Caydiid “waxaynu halkan iskugu nimid in wasaarada Kaluumaysiga lagu wareejiyo  gaadhi loo isticmaali doono shaqaada wasaarada oo kamida mashruuc ay hirgelsay hay’adda EU oo ay fulinayso Hay’adda Oxfam, gaadhigaas oo ah nooca looyaqaan Land Cruiser ah, Four wheel drive (4WD) oo loogu talagalay in loo isticmaalo meelaha ay adagtahay in lagaadho ee fog-fog ee wasaarada Kaluumaysigu kawado shaqadeeda ee ay ku noolyihiin

bulshada kaluumaysatada ahi”.

isaga oo hadlka sii watana wax uu yidhi “Runtii gaadhiga waa mid kamida waxyaabaha mashruucu qabanayay , hasayeeshee mashruucu intaasi wuu kabadanyahay guud ahaana waxa uu ku saabsanyahay dhismaha awooda wasaarada Kaluumaysiga si ay wasaaradu ugudato masuuliyadii ay qaranka uhaysay , waxyaabaha ugu mihiimsan ee ay qabanayaana waxaa kamid ah in wasaarada lakeeno khuburo caalamiya oo ku takhasusay hawlaha kaluumaysiga si ay uga dhinaca shaqeeyaan shaqaalaha kale ee jooga wasaarada , shaqaaluhuna ay uga faa’iidaystaan hadhaw aqoonta kaluumaysiga , wasaaraduna sidaasi ay hawsheeda ku gudato”.

waxa uu sheegay in shaqada ugu  mihiimsan ee ay shaqaalahaasi qabanayaana ay tahay  inay wasaaada kala shaqeeyaan hawlaha kaluumaysiga si ay hadhaw shaqaaluhu cilmi ay kala hadhaan .

ugu danbayntiina waxa uu mahadceliyay xukuumada “waxaan umahadnaqayaa wasaarada kaluumaysiga  iyo xukuumada Somaliland- ba in marka la eego qorshaha horu marinta qaranka  in uu kaluumaysigu kaga jiro runtii meel aad ufiican , mihiimad badan runtii lasiiyay taasina runtii waxay suuro gelinaysaa inay hay’addaha ka shaqaynaya oo ay ku jirto Oxfam- ba ay dhiiri geliso” ayuu yidhi.

Wasiirka wasaarada Kaluumaysiga Somaliland Cali Jaamac Faarax Buureed ayaa isna kahadlay munaasibada lagu wareejinayay gaadhiga isagoo umahad naqay Wafdiga ka socday midawga EU- da iyo Hay’adda Oxfam-ba “waxaan aad ugu mahadnaqayaa wafidga midawga yurub (EU) – da iyo sidoo kale hay’adda Oxfam oo iyadu mashruucan hirgelinaysa runtiina mashaariicda imika wasaarada kasocota ay iyagu hormood kayihiin oo ay wadaan oo ay xagooda katimid ,Oxfam-na ay hirgelinayso mashruucan aynu hada hawshiisa aynu gacanta ku hayno , aad baanan ugu mahad naqaynaa iyaga , Oxfam oo iyadu mashruucan qaybteedii hore fulinaysay khuburadiina way keeneen shaqadoodiina way socotaa , maantana gaadhigan ayay nagu wareejinayaan oo kamida mashruuca, aad iyo aadbaanan ugu mahadnaqayaa Oxfam iyo EU- daba, mashaariicdana waxay kamid tahay  waxyaabihii lagu gaadhi lahaa hiigsiga umadani  ee ah sidii umdani u gaadhi lahayd inay lasoo baxaan khayraadka ku jiraha bada”ayuu yidhi wasiirku.

Waxaa iyana  kahadashay munaasibadii lagula kala wareegaya baabuurkan safiir ku xigeenka midawga Yurub (EU) oo sheegtay inay k faraxsantahay hawsha ay hayaan

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here