Hargeysa(Saxilnews.com):- Wasaaradda Diinta Iyo Awqaaftu, Waxa Ay Digniin Adag U Diraysaa Culima -Awdiinka Maalmahan Dambe Caadaystay In Ay Baraha
Bulshada Isu Mariyaan Hadallo Xanaf Leh Oo Saamayn Ku Yeelatay Guud Ahaan Ardayda Barata Diinta Islaamka (Daalib Al- Cilmi) Kaas Oo Ku Saabsan In
Culimadu Midba Midka Kale Ka Dalbanayay Dood Cilimiyeed (MUNAADARO) Doodahani Waxa Ay Wax Yeello Weyn U Geysan Karaan Wada Jirka Iyo
Nabadda Ee Aynu Ku Noolayn Muddada Badan. Wasaaradda Diinta Iyo Awqaaftu, Waa Wasaarad U Dhaxaysa Guud Ahaan Culimada Dalka Cid Si Gaar Ah
U Sheegan Kartaa Ma Jirto.
Haddaba, Laga Billaabo Maanta Oo Ay Taariikhdu Tahay 21-November-2019, Saacadduna Tahay 2:00pm, Waxa La Farayaa Cid Kasta Oo Ka Hadasha
Arrintan Qaabka Ay Doontaba Ha Ahaatee In Ay Wasaaraddu La Xisaabtamayso, Waajibkiisana Marinayso.
Allaa Mahad Leh
Wasaaradda Diinta Iyo Awqaafta J.S.L