Afhayeenka Wasaarada Arrimaha Gudaha Jamaal Cabdi Muxumed oo warsaxaafadeed uu soo saaray kaga hadlay Wararkaasi ay warbaahintu faafisay ayaa sheegay inaan haba yaraatee wax ka jiraa aanay jirin isla markaana ay yihiiin wararkii been abuurka ahaa ee warbaahinta qaarkeed caadaysteen
Waxaana hadaladiisii kamid ahaa:-
“ waxaan halkan ku beeninayaa warar ilaa xalayba warbaahinta qaarkeed qorayeen kuwaasoo ah boro bogaando iyo been abuur aanay waxba kajirin, oo sheegaya in wasiir Cali Warancade Hub ka qaatay xerada Ciidamada Bada Somaliland.
Anoo Ku Hadlaya Magacayga Iyo Afka Wasaarada Waxaan Halkan Bulshada Uga Cadaynayaa in Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Mudane Cali Maxamed Warancade uu Yahay masuul qaran jecelna dalkiisa iyo dadkiisa oo bilaa godoba ciidamada kala duwan ee dalkana waxaan hubaa inuu wax uu taro mooyee aanuu hunguraynayn inuu damac ka gallo.
Sida aan la wada socono warbaahinteenu waxa ay wakhtiyadan danbe caadaysay inay dadka fadeexadeeyaan oo sharaftooda iyo sumcadoodaba ay meel kaga dhacaan iyada oo aanuu jirin sharci u ogolaanaya ama xeer u damaanad qaadaya inay masuul qaran ama muwaadin sumcadiida meel kaga dhacaan.
Waxaan halkan uga digayaa warbahin badan oo caadaysatay wararka been abuurka iyo borobogaandada ah ee sida ka baxsan xeerarka warbaahinta iyo shuruucda caalamida ah u adeegsada mihnada warbaahinta isla markaana aan wasaaradu kaga hadhi doonin wararka been abuurka iyo magac dilka ah ee ay baahiyaan”.