Hargaysa (Saxilnews.com)-“Guddida Doorashooyinka Qaranku waxay uga mahadnaqayaan saddexda xisbi Qaran iyo Madaxtooyadaba kaalintii wanaagsanayd ee ay ka qaateen hirgelinta diiwaangelinta codbixiyayaasha oo ay ilaa hadda si fiican u wadaan.
Haseyeeshee, waxa soo baxaya cabashooyin isa soo taraaya oo u muuqda olole siyaasadeed oo ay wadaan xisbiyada KULMIYE iyo WADDANI, gaar ahaan labada gobo lee Togdheer iyo Awdal, haddaba, si looga hortago soo noqnoqodka dhacdooyinkan oo horseedi karta in la majara-habaabiyo habsami-u-socodka hawsha diiwaangelinta codbixiyayaasha Komishanka Doorashooyinka Qaranku isaga oo hawsha diiwaangelinta ku taariikhaysan 07/03/2016 ee Guddiga Ilaalinta Anshaxa Codbixiyayaasha wuxuu soo saaray awaamiirtan.
- In laga bilaabo 8th March 2016 saddeda Guddoomiye xisbi Qaran aanay tagi karin Gobolka Diiwaangelintu ka bilaami doonto muddo 15 casho ka hor maalinta diiwaangelinta.
- In Guddoomiyayaasha saddexda xisbi Qaran oo wata min toddoba xubnood ay ka soo qaybgalaan maalinta daahfurka diiwaangelinta codbixiyayaasha ee Gobol kasta iyagoo isbi waliba wato ugu badnaan 5 baabuur oo aan lahayn istiikro, mikrifoon iyo sawirro, waxaanay gobolkaas ku sugnaan karaan maalinta bilowga diiwaangelinta iyo saddex maalmood oo ka horreeya.
- Waxa looga digayaa xisbiyada Qaranka in aan la ogolayn in lagu arko magaalooyinka boodhadh iyo sawirro lagu xardhay murrashaxiin sheeganaya in ay u tartamayaan Baarlamaanka ka hor muddada uu sharcigu u fasixi doono oo go’aankiisa soo saari doonaan Komishanka Doorashooyinka Qaranku.
- Xisbi kasta oo jabiya awaamiirtan Komishanka Doorashooyinka Qaranka waxa lagu ciqaabi doonaa Xeerka Diiwaangelinta, Xeerka Hab-dhaqanka Diiwaangelinta Codbiiyayaasha iyo xeerarka kale ee Qaranka ee khuseeya Doorashooyinka.”
Alla Mahad Leh
Gudoomiyaha Komishanka doorashooyinka qaranka Eng. Cabdiqaadir Iimaan