Hargeysa (Geeska) – Wargeyska Caalamiga ah ee Foreign Policy oo wax ka qora siyaasadda Arrimaha dibedda ee dalalka Adduunka, ayaa baahiyey War-bixin dheer oo Weriye wax ka qora Siyaasadda Arrimaha dibeddu uu kaga faallooday dedaallada Ictiraaf-raadineed ee Somaliland.
Lynsey Chutel oo ah haweenay Weriye ah oo wax ka qorta siyaasadda Arrimaha dibedda, fadhigeeduna yahay Magaalada Johannesburg ee Caasimadda dalka Koonfur Afrika, ayaa maqaal dheer oo ay ku baahisay Wargeyska Foreign Policy, waxay ku sheegtay in Somaliland muddo 30 sanadood ah dunida ugu baaqaysay inay Ictiraafaan Madax-banaanideeda, iyadoo soo bandhigaysa waxqabadyo ay ka mid yihiin doorashooyin tilmaan u ah hanaanka dimuqraadiyadeed ee ay hirgelisay.
“Muddo 30 sano ah, Somaliland waxay ku baaqeysay madax-bannaanideeda, iyadoo ah sida Qaran Madax-banaan.” Ayay sheegtay Lynsey Chutel, waxayna intaa ku dartay in xilli Soomaaliya waajahday dhibaato dimuqraadiyadeed la’aan, halka ay Somaliland soo bandhigtay waxqabad muhiim ah, kaasi oo ah ballaadhinta Dekedda Berbera oo ku taalla meel istaraatiiji ah “Hadda, iyadoo Soomaaliya ay waajahday dhibaatooyinkii Dimuqraadiyad la’aaneed, Somaliland waxay soo bandhigtay Qaybta Koontiinnarrada ee Dekedda Berbera oo ku taalla meel istaraatiiji ah.”
Waxay War-bixintu sheegtay in Somaliland u aragto Doorashooyinka ay qabatay ee Baarlamaanka iyo Goleyaasha deegaanka wax Beesha Caalamka u muujin kara awooddeeda dhaqaale isla-markaana ay mudan tahay in Beesha Caalamku ictiraafto.
Wakiilka Somaliland ee dalka Maraykanka Bashiir Good oo War-bixinta uu Wargeysku qoray lagu soo qaatay ayaa sheegay in Somaliland aanay halkii loo baahnaa gaadhin, balse ay aamisan tahay inay jidkii saxda ahaa hayso “Ma lihin waanu wada wanaagsan nahay (Dal ahaan), balse waxaanu leenahay waxaan ku soconaa waddada saxda ah.” Ayuu yidhi Ambassador Bashiir Goth, waxaanu intaa ku daray in doorashadu hawlaha Somaliland qabatay ay qayb uun ka tahay, balse ay jiraan meelo kale oo ay Somaliland wax fiican ka qabatay “Doorashadu waa hal shay, laakiin waxaa jira meelo aanu si fiican uga shaqaynay, sida Amniga iyo waxyaabo kale, sidaasi darteed waxaanu rajeyneynaa inaanu Beesha Caalamka ka helo Aqoonsi, Waayo? markaa waxaanu awood u yeelan doonaa inaan noqono xubin wanaagsan oo ka tirsan bulshada caalamka..”
Wargeyska oo ka warramay Taariikhda Somaliland ee soo taxnayd 1960-kii oo ay Xornimadeeda ka qaadatay Gumaystihii Ingiriiska, midowgii dhex maray Soomaaliya oo Talyaanigu gumaysanayey iyo dib ula soo noqoshadii Madax-banaanida 18 May, 1991-kii, ayaa sidoo kale ka hadlay waxa Aqoonsi raadinta Somaliland uu yeeli karo Aragtida Dalalka Midowga Afrika qaarkood qabaan ee ah haddii Somaliland la aqoonsado inay jiri karaan dalal Afrikaan ah oo Gobollo ka mid ahi Madax-banaani dalban karaan.
“Sannadkii 1991-kii, hoggaamiyeyaashii Somaliland waxay go’aansadeen inay Madax-banaanidooda kala baxaan Soomaaliya, waxayna samaysteen siyaasad leh dhammaan astaamaha dawladnimo, lacag, baasaboor, iyo Madaxweyne u gaar ah. Waxay leedahay maalin qaran oo sannad kasta loo dabbaal-dego go’aankii Gooni isku taagga..” ayuu sheegay Wargeysku, waxaanu intaa ku daray in Aqoonsi Somaliland hesho ay dib u dhigayaan Dawladaha reer Galbeedka qaarkood.
War-bixinta uu Wargeysku daabacay oo sii socota, ayaa intaa ku dartay in Somaliland sii waddo dedaalkeeda Ictiraaf-raadinta, laakiin dalal ay ka mid yihiin Maraykanka iyo kuwo kale ee Reer Galbeedku ay arrinta Somaliland dib u dhigayaan, Midowga Afrikana aanu go’aan ka gaadhin.