Wargayska Marca ayaa rumaysan in Chelsea ay kor u qaaday dadaalkii ay ku doonaysay Goolhayaha Roma ee Alisson kaas oo badal fiican u noqon kara Courtois.
Hadii ay ku guulaystaan adeegiisa waxa uu fududayn doonaa bixitaanka Courtois xilli uu goolhayaha reer Belguim doonayo in uu ku laabto caasimada Spain.
Real Madrid ayaa dalab 40 Milyan ah ka gudbisay Alisson laakiin Roma ayaa diiday iyaga sheegay in ay doonayaan dalab dhan 70 milyan oo Euro, Blues ayaana haatan hogaaminaysa tartanka loogu jiro xiddiga maadama ayna Los Blancos diyaar u ahayn in ay lacagtaas bixiso xilli ay sidoo kale haysato Keylor Navas, rabitaankooda ayaan ahayn mid deg-deg ku jiro inkasta oo ay doonayaan in ay badalaan Goolhayaha reer Costa Rica, Xiisihii De Gea ayaa u muuqda mid dhintay wakhtigii ugu dambeeyay xilli uu Goolhayaha reer Spain ku dhibaatoonayo koobka adduunka.
Roma ayay u badantahay in ay si adag ugu dagaalami doonaan lacag weyna ka qaadan doonaan maadama ayna ku qasbanayn in ay Goolhayaha iska iibiyaan.
Sababo la xiriira heshiiskiisa Courtois ayaa lagu heli karaa in ka yar lacagta suuqiisa kala iibsiga iyada oo Chelsea ku doonaysa 50 milya oo euro, Atletico ayaa dhankeeda soo cusboonaysiin doonta xiisaha Goolhaye Courtois kadib markii uu 3 sano halkaas ku soo qaatay in kasta oo uu goolhayuhu doonayo Real Madrid.
Atletico ayaa kor u qaadi doonta dadaalka ay ku heli karto Courtois hadii ay hesho koox diyaar u ah in ay bixiso lacagta lagu bur-burin karo heshiiska Goolhayeheeda Jan Oblak oo ah 88.5 milyan euro Liverpool ayaa horay loola xiriirinayay Goolhayaha xilli ay u baahan yihiin in ay xaliyaan Dhibaatada Goolka ka haysta