Hargeysa (Saxilnews) Guud ahaan gobollada bari ee Jamhuuriyadda Somalilad, ayay abaartu faro ba’an ku haysaa xoolihiina ay ka baxeen dadkii xoola dhaqatada ahaa ee reer miyiga ahaa ee, ku noolaa munaafacaadka Xoolaha islamarkaana iyaguna geeri qarka u saaran, ka dib markii abaarta afar jirsatay ay ka qaaday duunyadii ay ku noolaayeen.
Gobollada Bariga Saaxil,Togdheer,Sool,Buuhoodle,Sanaag iyo Badhan, ayaa ah gobollada dadka ku nool ee reer miyiga ahi ay halista ugu jiraan in ay ku baxaan abaarta ku habsatay ee dalka oodhan ka jirta, taas oo inta badan gobolada bari xooli ku noola ay ka lee’deen abaarta soo noqnoqoneysa.
Tanina waa tii ugu xumeyd abid intii ay Somaliland jirtay keentayna in dadkii isugu yimaadeen kaamam barakacayaala oo aan hore uga jirin Somaliland dadkuna ay miciin soo bidiin goobaha u dhaw magaalooyinka si ay naftooda iyo ta caruurtoodaba u sabata-bixiyaan.
Waxaana soo baxaya warar sheegaya in 70 ruux ay u dhinteen haraad iyo gaajo is barkan oo aan miciin laheyn 72-saacadood ee aynu ka soo gudubney.
Waxaanay badi bulshada reer Somaliland ay isweydiinayaan meesha ay jaan iyo cidhib dhigeen gudiidi loo xilka saaray sabata-bixinta dadka ay abaaruhu hayaan,iyada oo aanay jirin ilaa hada cid ay wax gaadhsiiyeen gudidaasi.
Iyada oo ay jiraan maalaayin dollar iyo raashino loogu tala-galay sidii loogu caawin lahaa dadkaasi ay abaaruhu naafeey oo soo gaadhay gudida ku magacaaban saba-tabixinta dadka aaburuhu naafeeyeen, ee ku nool gobolada kala duwan ee dalka Somaliland ,ee uu gudoomiyaha u yahay madaxweyne ku xigeenka qaranka Somaliland mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici)
“Waxaan haystaa siddeeed carruur ah ilmaha ugu weyni waa 16 sanno jir, waxaana ugu yaraa ilmaha toban bilood jiray oo naqafo darro u dhintay., waxaan u waayey caano xoolaad iyo kuwa naaskaba, carruurta kale waa ay wada jiifaan waxaa ugu culus gabadh 15 sanno jir ah iyada oo sakaarad ah ayaa layga qaaday waxaa la geeyey Laascanood, miyir ma qabo muddo 17 cisho ah.”Ayey tidhi Hooyo Somalilan-der ah oo ku sugan deegaanka Caga-llaaye ee gobolka Sool .
Suldaanka guud ee beelaha Somaliland Suldaan Maxamed Suldaan Cabdilqaadir ayaa ku dida abaaraha ku dhaliilay maamul la’aanta hantida ay loogu dhiibay dadka abaaruhu naafeeyeen waxaanu yidhi “Takuleyntii dadka loo soo gurayay, qoladan gudida taakuleynta dadka abaaruhu ay manaafacaadsadaan ka waran, meel Alle meel ay isugu yimaadeena maanan arag, gudidana waa gudi iskood uun isu abaabuley, umadii iyo dadkii wax u dhiibay inay la baal-marayaan wixii loogu soo dhiibay ee bulshadu u soo ururisay oo iyagu iskood u manaafacaad sanayaan, waayo dadkii mar walba waxaa ay ka qaylinayaan baahi taagan, markaa waxaaso mucaawino ah oo la soo bixinaayo mooyi si la odhanayo”
Dhanka kale qiimaha sarifka lacagaha qalaad ayaa maalinba maalinta ka danbeysa cirka isku sii shareeraya, tan iyo markii xukuumada Somaliland ka soo saartay go’aanada lagula dagaalamayo sixir-bararka xadhkaha goostay ee ay meel loogu soo hagaago laheyn, islamarkaana kor loogu qaadayo qiimaha shilinka Somaliland .
Kor u kacan sarifka lacagaha qalaad ee maalinba maalinta ka danbeysa is bedelaya ayaa imika maraya In $1 lagugu badelo lacag dhan 8.600 gacanta , waxaanay tani ka soo horjeeda islamarkaana ay lafjab ku tahay digreetadi Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaayo uu ku sar jaray inaanu qiimaha shilinka Somaliland aanu dhaafi Karin 7000-oo shilinka Somaliland ah.
Waxaa kale oo aan ilaa hada la ogeyn in imika inta lagu kala sarifanayo gacanta danbe maada loo sameeyay suuq madaw oo wax lagu kala gato taasi oo ay xog ogaal u tahay xukuumada talada heysa hadana indha ay ka qarsaneyso.
Dadweynaha ku dhaqan magaalada Hargeysa ayaa siyaabo kala duwan uga hadlay kor u kaca qiimaha sarifka lacagaha qalaad oo imika maraya meel aan laga warami Karin, waxaanay ku tilmaaameen inuu yahay wax sharciga baal-marsan oo sharci-daro ah, oo aan u hogaansaneyn go’aankii xukuumada iyada oo inta badan go’aanada ay soo sartu xukuumadu ay yihiin qaar aan fulin islamarkaana ah hal bacaad lagu lisay.
Sidoo kale waxaa arrintani garab socda oo bulshada ku habsaday sanadihii ugu danbeeyay, abaaro baahsan oo aan miciin maleyn iyo waliba sixir-barar aan meel uu taagan yahay aanay jirin taasi oo ay sabab u tahay qorshe la’aanta xukuumada talada dalka heysa ee Siilaanyo “Sicirbararka nwaxaan u arag naalaf-jab ku yimi bulshada Somaliland ,waxaanu ka cod sanaynaa Xukumaddayada in ay shaqo deg-deg ah oo ka daacad ah ay ka qabato oo go’aankeedi hore ay ku adkaysato.”Ayuu yidhi Cabdiraxmaan Sidci oo ka mid ah dhalinayaradda magaalada Hargeysa .
Guntii iyo gaba-gabadii waxaa Jamhuuriyada Somaliland ku soo badanaya Sixir afduub loogu geysanayo hablaha dhalinyarada ah iyo caruurta yar-yar.
Raxma Cabdi Maxamed oo ka mida ah haweenka ay qafaasheen dadka wax sirxaya ayaa faahfaahin ka bixisay sidii ay wax u dhaceen waxaanay tidhi iyada oo arrimahaasi ka hadleysa “Waxaannu fuulay gaadhi Noah ah oo ay saaran yihiin qof dumara iyo afar nin, intaas kadibna guri ayay I geeyeen oo waxa ay fureen mid ka mida qolalki iguriga, waxaana guriga ugu tagay oo ku jiray laba hablood oo Faleenbana ku xidhan tahay, anigana way I fadhiisiyeen oo dhiiga ayay igaqaadeen.”
Waxaanay xukuumada Somaliland ay arrimahan kaga mashquushay iibinta iyo boobka hantida umadda xilli ay dadkeedu la ildaran yihiin abaarta aan miciinka iyo gaar-gaarka toona laheyn ee dad iyo xoolaba aafeysay, kor u kaca sarifka iyo waliba sixiroolayal cabsi badan ku reebay iib-geeya kana ganacsada oo anay cidiina ka gacan siineyn.