Warar lagu kalsoon yahay oo uu Wargeyska Foore soo gaadhsiiyay Masuul Xukuumadda Soomaaliya ka tirsan ayaa noo sheegay in maalinimadii Jimcihii ee Doraad uu gudaha Madaxtooyadda Soomaaliya kula kulmay koox uu sheegay inay la balansanaayeen Raysal Wasaare ku xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed oo ay hayb hoose isku ahaayeen Raysal Wasaare ku xigeenka, waxaana uu noo sheegay in kooxdaasi ay u sheegtay in kulankii ay Raysal Wasaare ku xigeenka la lahayeen uu dib uga dhacay islamarkaana uu Raysal Wasaaruhu kaga mashquulay arin uga timid dhinaca Kornaylka Jabhadda ku haysta Puntland ee Somaliland Ka goostay ee Caare kaasi oo sida ay sheegeen ay ka wada hadlayeen arimo gaar ah.
Masuulkan Wargeyska Foore uga waramay dhacdadan oo Golaha Wasiiradda Xukuumaddda Farmaajo ka tirsan ayaa noo xaqiijiyay in Raysal Wasaare ku xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed uu hadda u qaabilsan Xukuumadda Soomaaliya la xidhiidhista iyo ka warhaynta Jabhadda Somaliland diidka ah ee Somaliland ka goosatay ee Puntland u gashay,waxaanu noo sheegay inuu hadda ku guda jiro sidii jabhadaasi ugu soo guuri lahayd Gudaha Soomaaliya islamarkaana ay hawlgalo uga fulin lahayd. Waxa uu sidoo kale noo sheegay inuu hadda ku hawlan yahay soo gaadhsiinta Jahadda Caare agab iyo lacag ay Dawladda Soomaaliya ugu talo gashay taasi oo ay ujeedadeedu tahay sidii ay u xoojin lahayd jabhaddaasi iyo sidii ay u wiiqi lahaayeen Awooda dhinaca Amniga Somaliland.
Xigasho: Wargeyska Foore