Wararkii ugu dambeeyay ee qaraxii Beyruut

0
18

Burburka ka dhashay qaraxa
Image caption: Burburka ka dhashay qaraxa

Shaqaalaha gurmadka ee ku sugan caasimadda Lubnaan ee Beyruut ayaa raadinaya dad laga cabsi qabo inay ku hoos jiraan dhismayaasha burburay kaddib qaraxii weynaa ee gilgilay halkaas.

Ha’yadda Laanqeyrta Cas ee Lubnaan ayaa sheegtay in ka badan 100 qof ay ku dhinteen qaraxa halka barasaabka caasimadda uu sheegay inay maqan yihiin dad ka badan boqol qof.

Wasaraadda arimaha gudaha ayaa sheegtay in maaddada ammonium nitrate ee sida weyn u qaraxda lagu keydiyay makhaasiin ku yaal dekadda.

Qaraxa waxaa ku dhaawacmay 4000 qof.

Ra’iisul wasaaraha Lubnaan Michel Cawn wuxuu sheegay in dhacdadan aan la aqbali karin isla markaana wuxuu ku dhawaaqay saddex maalmood oo baroordiiq ah.

Khasaare aad u weyn ayaa ka dhashay qaraxa
Image caption: Khasaare aad u weyn ayaa ka dhashay qaraxa

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here