WAR-SAXAFADEED:MADAXWEYNAHA JSLOO XILKA QAADIS BEDEL IYO MAGACAABID KU SAMEEYEY MASUULIYIIN KA TIRSAN DAWLADDA

0
31

 

WAR-SAXAAFADEED

WAR-SAXAAFADEED Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland,Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo(Saxil News Hargayesa)

waxa uu Digreeto Madaxweyne oo Summadeedu tahay JSL/M/XERM/249-

3758/012016 uu ku magacaabay Taliyaha Ciidanka Ilaalada Madaxtooyada iyo Ku

xigeenkiisa. Halka Taliyihii hore iyo Taliye ku xigeenkiisiina la bedelay.

Madaxweynuhu:-

Markuu Arkay: Qodobka 90aad, Faqradiisa 3aad, xarafka (d) ee

Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Tixgeliyey: Ahmiyadda ay Ciidanka Ilaalada Madaxtooyadu u

leeyihiin dhismaha Qaranka;

Markuu Arkay: In baahi loo qabo buuxinta jagada Taliyaha Ciidanka

Ilaalada Madaxtooyada JSL;

Markuu Ka Fiirsaday: Kartidiisa, aqoontiisa iyo hufnaantiisa shaqo;

Markuu Ku Qancay: In uu hanan karo xilkan loo magacaabay;

Wuxuu go’aansaday

  1. In G/Dhexe, Axmed Daahir Cali, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado

Taliyaha Ciidanka Ilaalada Madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland.

  1. In Dhamme, Axmed Jaamac Ducaale (Alyoos), laga bilaabo taariikhda maanta uu

ahaado Taliye Ku-xigeenka Ciidanka Ilaalada Madaxtooyada Jamhuuriyadda

Somaliland.

UJEEDDO: BEDDEL

Ku: G/sare, Axmed Cali Maygaag

Taliyihii Hore ee Ciidanka Ilaalada Madaxtooyada JSL

Og: Taliyaha Ciidanka Booliiska Jamhuuriyadda Somaliland

Ku: Dhamme, Cabdi Cismaan Ducaale

Taliye Ku-xigeenkii Hore ee Ciidanka Ilaalada Madaxtooyada JSL

Og: Taliyaha Ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland

Mudaneyaal,

Waxaan idinku mahadinayaa mudadii aad soo haysay xilalka Taliyaha iyo Taliye

Ku xigeenka Ciidanka Ilaalada Madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland.

Sidaas darteed, waxaan gartay in aan idinka beddelo xilalka Taliyaha iyo Taliye

Ku xigeenka Ciidanka Ilaalada Madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland.

Haddaba, waxaan idinka rajaynayaa in aad si niyad sami ah ugu wareejisaan

xilalka aad hayseen G/dhexe, Axmed Daahir Cali oo aan xilkaa isaga ah u

magacaabay iyo Dhamme, Axmed Jaamac Ducaale (Alyoos) oo aan xilkaa isaga ah

u magacaabay.

Waxaan farayaa Taliyaha Ciidanka Qaranka iyo Booliiska Jamhuuriyadda

Somaliland inay mas’uuliyiintaa u magacaaban xilal ku habboon darajadooda.

ALLAA MAHAD LEH

Af-hayeenka Madaxweynaha JSL

Xuseen Aadan Cige (Xuseen Deyr)

 

 

 

WAR-SAXAAFADEED

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo

waxa uu Digreeto Madaxweyne oo Summadeedu tahay JSL/M/XERM/249-

3757/012016 uu xilkii kaga qaaday Agaasimihii guud ee madaxtooyada sidoo

kalena waxa uu magacaabay Agaasime Cusub.

Markuu Arkay: Qodobka 90aad, Faqradiisa 3aad, Xarafka (kh) ee Dastuurka

Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Tixgeliyey: Ahmiyadda ay Agaasimayaasha Guud ee Wasaaraduhu u

leeyihiin dhismaha Qaranka;

Markuu Arkay: In baahi loo qabo buuxinta jagada Agaasimaha Guud ee

Wasaaradda Madaxtooyada ee JSL;

Markuu La Tashaday: Madaxda ay khusayso;

Markuu Ku Qancay: In ay hanan karto, aqoon iyo kartina u leedahay jagadan;

Wuxuu go’aansaday

In Marwo, Khadra X. Ismaaciil Yoonis (Khadra X. Gaydh), laga bilaabo taariikhda maanta

ay ahaato Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland.

Ujeeddo: Xil-ka Qaadis

Ku: Mudane, Xasan Cabdi Madar

Agaasimihii Guud ee Hore ee Wasaaradda Madaxtooyada

Waxaan kaaga mahadinayaa mudadii aad soo haysay xilka Agaasimaha Guud ee

Wasaaradda Madaxtooyada. Xilalka Qaranka ayey dabcigeed tahay in ay meerto noqoto

oo kolba cid hanan karta loo dhiibo.

Sidaas darteed, waxaan gartay in aan kaa qaado xilka Agaasimaha Guud ee Wasaaradda

Madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland.

Haddaba, waxaan kaa rajaynayaa in aad si niyad sami ah ugu wareejiso xilka aad haysay

Marwo, Khadra X. Ismaaciil Yoonis (Khadra X. Gaydh) oo aan xilkaa isaga ah u

ALLAA MAHAD LEH

Af-hayeenka Madaxweynaha JSL

Xuseen Aadan Cige (Xuseen Deyr)

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here