Hargaysa (Saxilnews) Waxaanu halkan si cad uga beeninaynaa war ay faafisay wasaarada duulista iyo gaadiidka cirka ee dalka aanu jaarka nahay ee Somalia oo ay ku sheegtay inay iyadu dirtay ugu yaraan 50 arday oo loo soo tababarayo maamulida iyo hagida diyaaradaha.
Ugu horayn waxaanu umada Somaliland iyo guud ahaan caalamka la wadaagaynaa, in ardaydaas ay qaadayso hayada ICAO isla markaana ay iyadu imtixaan ka qaaday oo ay soo tababarayso, iyada oo ay qayb ka tahay barnaamijka lagu casriyaynayo laguna tayaynayo madaarada Somaliland iyo Somalia ee Hayada ICAO maamusho. Waxaanu sidoo kale halkan ka cadaynaynaa inaanay jirin cid gaar ah oo hawada lagu wareejinayo, iyo cid gaar ah oo hayada ICAO ay si gaar ula shaqaynayso, la soo wareegida hawada iyo maamulideeduba waxay ku xidhnaanaysaa guusha laga gaadho wada hadaladii labada dawladood u socday ee hakaday.
Ugu dambayn waxaanu dawlada Somalia uga digaynaa, ku celcelinta wararka xanafta leh ee aan waxba ku soo kordhinayn, xaalada hawada labada dawladood oo ku sugan wakhtigan, xaalad xasaasi ah oo khatar ugu jirta in gabi ahaanteeda loo gacan galiyo wadamo shisheeye.
Ismaaciil Cali Axmed
Afhayeenka Wasaarada Duulista Hawada
iyo Gaadiidka Cirka Somaliland
Tel: 063 4424571
Email: publicmedia@gmail.com
Email: prm@mocaat.com
Facebook: https://www.facebook.com/mocaatsomaliland/
Wab: Somalilandaviation.com