War Farxad Leh:-Deegaanada Gaashaamo Oo Ay Ka Jirtay Abaar Darani Oo Uu Ka Curtay Roobkii Gu’gu Iyo Magacyada Deegaanada Uu Ka Da’ay

0
23
Hargeysa(Saxilnews)War farxad leh oo maanta naga soo  gaadhaya Degmada Gaashaamo ee dawlad deegaanka Somalida Itoobiya soona gaadhaya xafiiska shabakada wararka Saxilnews ayaa sheegaya in Roobabkii Gu’gu uu ka curtay deegaanada Degmada Gaashaaamo ee dawlad deegaanka Somalida Itoobiya.

Deegaanada uu raxmaadka Eebe ka hoorey ayaa kamid ah deegaanada ay sida xun u saamaysay abaaraha baahsan iyada oo dadkii xoolo dhaqatada ahaa ee deegaanadasi ku dhaqnaana ay ka leedeen xoolihii ay dhaqan jireen iyaguna ay qarka uu saarnaayeen inay u dhintaan Gaajo iyo Haraad soo food saartay.

Waxaana roobkan ka hoorey deegaanada si wayn ugu riyaaqay oo ugu farxay bulshada kala duwan ee ku dhaqan deegaanadaasi kuwaas oo la il darnaa abaaro baahsan isla markaana ay isku waheshadeen Diifta,Daranyada iyo Macaluusha ay sababtay Abaartu.

Waxaana raxmaadkan Eebe uu maasheeyey deegaanadaasi isaga oo xoguhu noo sheegeen in deegaanada qaar uu Biyo dhigay isla markaana uu buuxiyey baraagihii ay dadka iyo Xooluhu ka Cabi jireen ee ku yaalay deegaanadaasi.

Waxaana deegaanada uu Roobku ka curtay kamid ah sida ay noo sheegeen dad ku sugan Degmada Gaashaamo oo aan xidhiidho dhanka Telefoonka ah la samaynay Deegaanada 1) Samatar Axmed oo uu Roob fiicani ka da’ay isla markaana uu buuxiyey Baraakihii dadka iyo xooluhu ka cabi jireen 2) Qaydar Libile 3) laan Qayrta Reer Rooble 4) Harada oo naloo sheegay in uu ka hoorey ilaa deegaanada Hawdka 5) Xaashi Cagoole oo uu ka tiixay roobku.

Gabagabadiina Waxa si wayn ugu qabowsaday oo ugu farxay Roobkan bulshooyinka ay abaartu halakaysay ee ku dhaqan deegaanadaasi,waxaana xusid mudan in wali ay deegaano Gaashaamo ka tirsan ay abaaro ba’ani ka jiraan dadkuna ay qarka u saaran yihiin dhimasho isla markaana ay u baahan yihiin gurmad iyo taakulo Bini’aadamnimo oo deg deg ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here