Hargeisa (SAXILNEWS)_Musharaxiinta Isbahaysiga Kulmiye ee hore u qaadaacay doorashada golaha dhexe ee Kulmiye ayaa maanta ka hadlay doorashadii maalintii shalay lagu doortay Muuse Biixi iyo Cabdiraxmaan Saylici.
Maxamed Biixi Yoonis iyo Cabdicasiis Samaale oo warbaahinta kula hadlay magaalada Hargaysa ayaa ugu horayn beeniyay in ay u tanaasuleen Muuse Biixi Cabdi oo maalintii shalay sheegay in ay xigaalnimo ugu tanaasuleen.
waxa kale oo ay sheegeen in aanay ka baxayn xisbiga welina ay u taagan yihiin musharaxnimada Kulmiye.
dhanka kale waxa ay dhaliilo u jeediyeen madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo iyagoo sheegay in uu ukala hiiliyay labadii musharax ee ku tartamayay jagada madaxweyne kuxigeenka oo kala ahaa Cabdiraxmaan Saylici iyo Xaglo-Toosiye.
Mar la waydiiyay in taageerayaashoodii ay yimaadeen goobta shirka ismarkaana ay u codeeyeen Muuse Biixi ayaa waxa kaga jawaabeen ay u soo direen si ay ugu codeeyaan musharax Xaglo-Toosiye.
MAXAMED ILKACASE
OFFICE/HARGEISA