Hargeisa (Saxilnews)-Guddoomiyaha Xisbiga Kumiye Mujaahid Muuse Biixi Cabdi ayaa goor dhaweyd ku dhawaaqay wakhtiga la qaban doono shirka golaha dhexe ee Kulmiye .
Munaasibad ka dhacday qasriga Madaxtooyada oo ay goob joog ka ahaayeen Madaxweynaha Somaliland, ku xigeenkiisa, guddoomiyaha xisbiga Kulmiye, siyasiyiin, wasiiro iyo masuuliyiin ka tirsan xisbiga Kulmiye.
Mujaahid muuse biixi cabdi ayaa sheegay in 10.11.2015 la qaban doono shirka golaha dhexe ee Kulmiye, waxaana sidoo kale uu cadeeyay in murashaxa Xisbiga Kulmiye u meteli doona doorashooyinka soo socda uu yahay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland.
Shirkan ayaa sida xogguhu sheegayaan waxaa lagu dooran doonaa Musharaxa Madaxweyne ee xisbiga kulmiye ee Siilanyo bedeli doona halka tibaaxuhu intaas ku dareen inaan Booska Musharax-ku-xigeenka Xisbiga lagu tartami doonin oo uu noqon doono Madaxweyne-xigeenka hadda Cabdiraxmaan Cabdillaahi Saylaci.
Taas ka sakow sida xogguhu intaas raaciyeen waxaa la filayaa in Qasriga Madaxtooyadu dhabarka taabto ama u wataan Musharaxa madaxweyne ee Xisbga Kulmiye inuu noqdo Wasiirka Arimaha debeda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis halka Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixina cirka loo calaamadin doono Walow ay jiraan xubno iyagu shaqsiyaadkan ka madax banaan oo han leh rabitaankooduna yahay inay tartamaan.
mahamed xassan
berbera2002@gmail.com