Hargeysa (Saxilnews) Hal qof ayaa ku dhintay saddex kalena waa ay ku dhaawac-meen kadib markii goor dhaweyd duhurkii ceel-biyood ay ka dhaaminayeen ay neef qabatoobeen, ceel biyoodkan oo ku yaala gudaha magaalada Hargeysa gaar ahaan agaagaarka Saylada, beerta uu leeyahay ninka la yidhaaho Ina Dhaad-yare ay dooneen inay booyad biyo ah ka dhaamiyaan.
Nimankani ayaa markii ay booyada dhaamiyeen mid ka mid ahi uu ceelka is yidhi xadhig dul-yaalay ka soo qaado, kadibna markii uu tiigsaday xadhigii oo biyaha dul sambeynaya ayaa uu galay miyir doorsoon marxuunka dhintay iyo labada nin ee kale ee dhaawaca ah ayaa isku dayay inay u gurmad u fidiyaan ka miyir doorsoomey ee xadhiga soo qaadanayay.
Dhamaan afartan nin ayaa waxaa ay la kulmeen gabi ahaanba mar kaliya la kulmeen miyir doorsoon.
Hawl waddeenada shabakada Saxilnews oo booqday cisbitaallka guud ee magaalada Hargeysa oo la soo gaadhsiiyay, maydka iyo saddexda nin ee dhaawaca ah ayaa ehelada dadkaasi waxaa ay u xaqiijiyeen in sababta ninmankan waxyeeladu u soo gaadhay ay aheyd ceelka oo mudo aan daboolka laga qaadin isla markaana kabidsanaaa.