War Deg Dega:-Ciidamada Laanta Socdaalka Somaliland Oo Hawl Galo Ka Bilaabay Gudaha Caasimada Hargeysa Iyo Cida Ay Beegsanayaan,

0
18

Hargeysa(Saxilnews):-Ciidamada Laanta Socdaalka ee Somaliland ayaa saaka hiirtii waabari ka bilaabay gudaha magaalada Hargeysa hawl kala kala duwan oo ay ku beegsanayaan dadka Ajaanibta ah ee sida sharci darada ah ku jooga dalka,

Sida ay wararku Ku soo Gaadhayaan Xafiiska Warqabadka Hangoolnews ayaa tibaaxaya in Ciidamada laanta socdaalka oo wata gaadiidka noocyadiisa kala duwan ayaa suuqyada waawayn ee Gudaha Hargeysa ka bilaabay in ay qab qabtaan dadka iyagu aan haysan Warqada Qaxoontiga ee ay dalka ku joogaan kuwaasi oo iskugu jira Muwaadiniin ka soo jeeda dalalka Yemen,Itoobiya, iyo Siiriya iyada oo dadka ajaaniibta ah ee dalka jooga ay ugu badan yihiin dad ka soo jeeda dalka Itoobiya,

Dadka ka soo jeeda dalka Itoobiya gaar ahaan qoomiyada Oromada ayaa aad ugu badan Somaliland iyaga oo ka shaqaysta dalka halka qaarkood oo u badan dad naafo ahna ay wadooyinka dhincyadooda ka Dawarsadaan ama tuugtaan,

Inta badan dadka ka soo hayaamay dalalka Siiriya iyo Yemen ee Somaliland soo gaadhay ayaa intooda badan waxay haysataan warqada Qaxootiga oo si wada jir ay diiwaan galintooda iskaga kaashadeen Haayada IOM iyo Wasaarada Dib u dajinta Somaliland,

Lama garanaayo sababta rasmiga ah ee ka dambaysa in ay ciidamada laanta socdaalka ee Somaliland bilaabaan hawlgaladan ay ku beegsanayaan dadka dalka ku jooga sharciga darada balse hore ayaa waxay ciidamada Socdaalka Somaliland dalka uga daad gureeyeen dad ka soo jeeda dalka Itoobiya badhtamihii sanadkii aan ka soo gudubney.

Kala Soco Hangoolnews wixii Warar ah ee ka soo kordha Arintan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here