War Deg Deg: Shir Uga Socda Xisbiga Waddani Magaalada Burco Iyo Khilaaf Xoogan Oo Ka Taagan Magacaabista Guddida Kaambaynka Togdheer+ Hogaamiye Xirsi Iyo Nusdanbeedka Oo Fiintu Dhexmiranayso.
Waxa Saaka Ka Bilaabmay Magaalada Burco Shirweyne aan caadi ahayn oo ay isugu yimaadeen masuuliyiinta ugu saraysa xisbiga mucaaradka ah ee waddani, nusdanbeedka iyo masuuliyiinta xisbiga ee gobolka Togdheer,
Shirkani oo aan loo kala maqnayn ayaa waxa lagaga doodayay laguna soo xulayay gudidda hagi doonta kaambaynka Xisbiga ee Gobolka Togdheer, waxaana xulista gudidaasi ka dhashay muran aad uxoogan kadib markii uu hogaamiyaha xisbiga mucaaradka ee waddani mudane: Xirsi Gaab uu ku dhawaaqay in Guddi ugaara oo uu jeebka kala soo baxay waraaq ay ku qornaayeen, Guddidaas oo uu hogaan uga dhigay Gacanyarihiisa Muniir axmed Cigaal,
Balse taasi waxa si weyn uga biyo diiday kuna gacan saydhay Masuuliyiin kamida Nusdanbeedka Xisbiga Waddani iyo masuuliyinta Gobolka Togdheer ee xisbiga Waddani, waxaanay siweyn uga cadhodeen markii liiska gudidda uu xirsi wato Ay ugu badnaadeen Beelaha bariga Burco iyo Waqooyiga oo ay badidoodu ahaayeen dhalinyaro ka yimi caasimada hargeisa.
Si Kastaba Ha Ahaatee Waxa wali socda Muranka iyo dooda ka dhex taagan xisbiga Waddani Dhexdiisa oo ay koox waliba doonayso inay iyagu hagaan uguna bataan Guddida kaambaynka xisbiga mucaaradka ee waddani ee Gobolka Togdheer, Waxaana masuuliyiinta Galbeedka Burco ee xisbigaa Siweyn u qaniinsan yihiin ugana soo horjeedaan qaabka uu doonayo hogaamiye xirsi in loo dhiso guddidaasi.