War Deg Deg Ah”Masuulkii Usareeyay Shirkadaha Xukumadu Ka Kareysay Haamaha Shiidalka Berbera Oo Xabsiga Loo Taxaabay Iyo Sababta Keentay Xadhigiisa

0
29

Berbera (Saxilnews.com)-Wasiir Kuxigeenka Wasaarada Warshadaha Somaliland Cali Axmed Maxamed(Cali Dhegoole) ayaa maanta duhurkii mar kubixiyay in Saldhiga Dekeda Berbera lagu xidho Cali yasin oo ah Madaxa Boodhka Shirkadaha Maamulka Haamaha shiidaalka Xukumadu ka kireysay. 

Xadhiga masuulka ayaa yimi kadib markii ay cabashada shaqaalaha haamaha shiidaalku debeda usoo baxaday wasiir kuxigeenka wasaarada Warshaduhuna uu ukuurgalka cabashada shaqaalaha ee dhinaca xuquuqda saaka utagay haamaha shiidaalka Berbera balse uu caqabad kala iyo ixtiraam la,aan kala kulmay Cali Yasin oo ah Madax boodhka shirkadaha Maamulka Haamaha shiidaalka la wareegay waxaana sidaas usheegay shabakada Wararka Ee Berberatoday.com wasiir Kuxigeenka wasaarada warshadaha oo isagu kamid ahaa labadii wasiir kuxigeen ee hore uga soo shaqeeyay sidii ay uhirgali lahaa heshiiska Xukumada iyo shirkadahan ka dhexeeyay ee ahaa lawareegida maamulka iyo munaafacaadkja Haamaha keydka shiidaalka Berbera.

Waxa uu Sheegay wasiir Kuxigeenka wasaarada warshaduhu inuu arinka cabshada shaqaalaha utagay haamaha balse uu ninkaas masuulka u ah shirkadaha haamaha la wareegay uu kala horyimi maamus daro iyo waliba in aanu qiimeyn inuu kamid yahay wasiir katirsan xukumada kana soo jeeda deegaanka Gobolka Saaxil waxna ka qaban kara cabshada shaqaalaha isaga oo sheegay in aanay marnaba aqbalayn xukumadu in shaqaale muwaadin ah layska eryo ama meel lagaga dhaco xuquuqdiisa shaqaalenimo isaga oo xusay in hadii shirkadaha maamulka Haamaha la wareegay ama laga kireeyay haamuhu ay ku dhaqmi waayaan heshiiskii ay xukumadu la gashay xukumaduna ay talaabo ka qaadi doonto shirkadaha Maamulka haamaha la wareegay ee mudada kooban ee labada bilooda maamulka haamaha hayay balse durtaba qeyladii shaqaaluhu debeda usoo baxday kadib markii lasoo hordhigay shaqaalaha heshiis ay qawadeen oo ay shaqaaluhu sheegeen inuu xuquuqdoodii meel kaga dhacayo xaqoodiina meesha ka saarayo.

Xigasho Warbaahinta QaranIMG_08CA1E-9275D2-2A851B-EF412C-6873B2-92D9E2

 

www.saxilnews.com

 

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here