War Deg Deg Ah:Khilaaf Culus Oo Ka Dhex qarxay KULMIYE Iyo Xaflad Ay Samaale , Kijaadhe & M.biixi Yonis Ku Qabsayeen Hotel Guleed Oo Xukuumadda Cudud Ciidan Ku Joojisay Hadda.

0
25
Hargeysa (Saxilnews) Warar hadda soo gaadhaya Xafiiska wararka ee Shabakada saxilnews, ayaa sheegaya in hadda cudud ciidan lagu joojiyey xaflad ay si wada jir ah saaka ugu lahayeen Hotel Guuleed, musharaxiinta Maxamed Biixi Yoonis, Samaale & kijaandhe iyo waliba xildhinaan xasan cawaale caynaan.
Xalfadan ayaa la sheegay inay ciidamo Boolisku iska hor istaageen qabsoomideeda, iyadoo  la sheegay inuu amarka soo bixiyey madaxweyne ku-xigeenka Somaliland C/raxmaan Saylici.
Ilaa hadda lama garanayo sababta loo hor-joogsaday xafladan ay is bahaysiga musharixiinta KULMIYE qabsanayeen.
Dhanka kale talaabadan uu ku kacay Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, ayaa ku soo beegmaysa xili uu  tageero u muujiye garab Muuse biixi, waxaanay noqonaysaa talaabadan uu saaka ku hor-istaagay xafladaa isbahaysiga musharaxiinta mid u horseeda Xisbiga KULMIYE khilaaf wayn oo sii daba dheeraada.

 

 

halkan kala soco wararka soo kordha

 

maxamed ilkacase

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here