War Deg Deg Ah”Dekedii Berbera Oo Saaka Albaabadu Xidhan Yihiin Iyo Shaqadii Oo Taagan+Amaro Culus Oo DP World Soosaartay

0
20
Berbera (Saxilnews.com)-War Deg Deg Ah”Dekedii Berbera Oo Saaka Albaabadu Xidhan Yihiin Iyo Shaqadii Oo Taagan+Amaro Culus Oo DP World Soosaartay

Dekedii Berbera Ee Camirnaan Jirtay  Oo Ay Gudaheeda Sadex Qof Dhexmarayaan.

 

Berbera(Berberatoday.com)-Gabi ahaanba waxa saaka taagan shaqadii Dekeda Berbera iyada oo shirkada Dekeda Maamulkeeda Gacanta Ku haysa ee Xukumada Siilanyo Ka Kireysay Ee DP World amar deg deg ah kusoo rogtay ganacsatada Dekeda Berbera badeecadaha ka cashuura iyo shaqaalohooda, amarkaas oo ah inaanu Dekeda soo gali doonin Qof aan sidanin sharciyada uu ku shaqeeyo oo dhamaysturan iyo Xidhashada Qalab ay Shirkadu Ku sheegtay inuu Badbaadin uyahay dadka Dekeda ka shaqeeya ama ushaqa taga ee Hawluhu ka galaan,

Qalabka ayaa ah koofiyad isugu jirta Bir iyo Caag Madaxa la gashanayo Kabo Buudha oo Waaweyn oo ah nooca Loo Yaqaano Qadha Iyo Shaadh dusha Laga xidhanayo oo calaamado dhalaalaya leh.

Qalabkan ayaa dhamaantii waxa Lagu iibinayaa Dekeda Horteeda Waxaana la sheegay inay shirkada DP World dad udhiibatay si ay uga iibiyaan Cidkasta oo damacsan inay Dekeda gasho.

Sidoo kale maalintii shalay ayaa waxa la sheegay inaanay shaqo hagaagsani Dekeda ka soconin oo anay khasnada kastamka Berbera wax dakhliya oo badani kusoo xeroonin sababtoo ah ilaa shalay mukhalisiinta Dekeda Badeecadaha ka cashuura iyo ganacsatadaba waxa lagu khasbaayay inay qalabkaas soo xidhaan halka ay Ganacsatada iyo Mukhalisiinta dekeda badeecadaha ka cashuuraa ku doodayaan inaanay qalabkaas ubaahnayn maadama oo aanay iyagu gacanta ka shaqaynin oo qalabkan badbaadad ahina aanu anfac ulahay sidoo kale waxa ay ku doodayaan inaanay goobaha maraakiibta hoostooda ee qalabkani lagaga shaqeeyo iyagu aanay hoos taginba.

Ganacstada Dekeda Berbera Badecadaha ka cashuura iyo nimanka Mukhalisiinta loo yaqaano ee La shaqeeya ayaa hada shir uga socdaa Hutelka Allore ee Berbera iyada oo la filayo inay goor dhaw warbaahinta la hadlaan.

Geesta Kale Waxa Iyaguna shaqo joojin Sameeyay Guud ahaan Gaadiidka Waaweyn ee Dekeda Badeecadaha daabulka ah ka gura.

 

Sikastaba ha ahaatee Dekedii Berbera ayaa ilaa Markay shirkada DP World la wareegtay ayaa waxa soo foodsaaray caqababo waaweyn oo keeni kara inay ka hayaamaan Ganacsatada badeecadaha kala soo daga iyo maraakiibta Waaweyn ee koonteenarada xambaara oo qaarkood hadaba la sheegayo inay ka wareegeen Dekeda Berbera iyaga oo Dekeda Muqdisho badeecadaha udaabula kadib markii dib udhac shaqo iyo shaqo xumo soo food saartay guud ahaan Dekeda Berbera.

Halkan Ka Akhri Waraqaha amarka ah ee Shirka DP Wolrd Soosaartay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here