Berbera(Saxilnews)-Booyadan oo nooceedu ahaa Nissan Diesel UD ayaa waxa laga kaxaystay Iyada oo hortaala habeenkii xalay kaalinta Cawil Axmed Faraare oo ku taala badhtamaha magaalada Berbera,
Waxaana la sheegay in booyadan lagu kaxaystay fure isbeer ah oo dadka dhacay ay hore uhaysteen. Waxaana booyadan hore looga iibsaday Ninka Kaalinta laga hor kaxaystay leh oo lagu magaaco Cawl Axmed Xuseen(Ina Faraare)sida uu noo xaqiijiyay Darwalkii wadaha ka ahaa Booyadan oo lagu magacaabo Jaamac Cali Guutaale(Jaamac Hilible)oo aanu dhacdadan wax ka weydiinay, Waxaanu Jaamac sheegay inuu halkaas booyada hore u xalayna uu dhigay kagana hurdo tagay Isaga oo Xaafadiisa oo kutaala xaafad kamida xafadaha Berbera ucaraabay.
darwalku waxa uu sheegay in aanu ila hada aqoonsan cida booyada dhacday ee kaxaystay isaga oo cadeeyay inuu haysto furihii uu booyada ku waday ee rasmiga ahaa balse waxa uu shaki galiyay in furihii labaad ee booyada isbeerka u ahaa lagu kaxaystay furahaas oo uu sheegay in aan isaga loo dhiibin markii Maamulka booyada lagu wareejinaayay, waxaanu darawalku xusay in lagala xidhiidhi doono cidii booyada laga iibsaday furaha booyada lagu kaxaystay isaguna aanu jawaab saxa ka bixin karin.
Booyadan ayaa waxa loo iibiyay sidii loogu waraabin lahaa dadka ku kala dhaqan xeebaha bariga iyo Galbeedka Gobolka Saaxil xiligan abaaruhu ka taagan yihiin guud ahaan dalka Somaliland waxaana dhaqaalaha lagu iibiyay booyadan si wada jira ubixiyay maamulka gobolka Saaxil , Ka degmada Berbera iyo Maamulka Dekeda Berbera.
Ilaa Hada Wax wara kamay soosaarin laamaha amaanka Gobolka Saaxil dhacdadan Booyada dadka abaaruhu Saamayeen lagu dhacay lamana garanayo meel lala tagay Booyadaas iyo ci dhacday toona.waxase la xaqiijiyay in booyadaas la dhacay lana kaxaystay.
Booyadan ayaa sadexdii bilood ee udanbeeyay ka shaqaynaysay biyo dhaaminta dadka iyo xoolaha abaaruhu ku saameeyeen Bariga iyo galbeedka Gobolka Saaxil ee xeebta.
maamul;ka Gobolka Saaxil iyo haayadaha ku shaqada leh oo aanu isku daynay in aanu wax ka weydiino dhacadadan booyada lagu kaxaystay ayaanan jawaab saxa ka helin.
wixii war ah ee kasoo kordha kala soco shabakada wararka ee Saxilnews.com