War Deg Deg Ah .Xildhibaanada Kasoo Baxay Gobolka Saaxil Ayaa Kulan Deg Deg Ah La Yeeshay Madaxwaynaha Jsl

0
19

Xildhibaanada Golaha wakiilada ee kasoo baxay Gobolka Saaxil ayaa saaka kulan deg deg ah la yeeshay madaxwaynaha jsl Md Muuse Biixi Cabdi , kulanka ayaa la xidhiidhay ka jawaabista cabashada dhalinyarada magaalada Berbera ee ku dooday in waxba laga siinin shaqaalaha cusub ee loo qaadanayo Madaarka Cusub ee Magaalada Berbera oo maalmahanba koox dhalinyaro ah lagu tababarayey huteel maansoor ee magaalada Berbera .

Madaxwaynaha ayaa waxay xildhibaanadu uga warmeen xaalada ka taagan magaalada Berbera iyo cadaalad darada lagu sameeyey dhalinyarada shaqo doonka ee ku dhaqan magaalada Xeebeeda Berbera .

Madaxwaynaha aya balan qaaday in hab cadaalad iyo dhexdhexaadnimo ah loo mari doono shaqaalaha loo qaadanayo madaarka Berbera sida uu ii xaqiijiyey Xildhibaan Maxamed Jamac Liiban oo kamid ahaa xubanaha kulmay Madaxwaynaha Jsl waxa kale oo intaasi ku daray in la joojin doono guud ahaanba dhaqdhaqayada shaqaalaysiinta cusub iyo tababarada ka socda magaalada Berbera ee ay wadaan maamulka shirkada madaarka Berbera .

 

Xildhibaanada Madaxwyanaha jsl la kalumay waxay kal ahaayeen .

Xildhibaan Maxamed Jamac Liiban

Cali Jamac Caraale (Cali Qaran)

Cabilaahi Cabdi Muuse

Cabdirashiid Cagowayne

Xirsi Cabdilaahi Xirsi

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here