WAR DEG DEG AH WASIIR MAXAMUUD XAASHI IYO MAAYIR C/SHAKUUR CIDIN OO UWEHELIYO BADHASAAB RAMAAX AYAA LAGA DAREEMAYA OLOLAHA AY KAWADA DEGMADA SHEEKH

0
26

Sheekh-(Saxilnews.com)-Wasiirka madax tooyada Somaliland maxamuud xaashi iyo masuuliyinka tirsan hogaanka sare  xisbixaakimka kulmiye oo ku sugan habeenka xalay ahaa magaalada sheekh ayaa socdaalkoodani daba socday olole maalmihii udanbeeyay ay kawadeen maayir c/shakuur cidin iyo badhasaabka gobolka Togdheer mr Ramaax.

Sido kale waxa iyaguna isiso tarayay mudadii ka danbaysay uu waji gabaxii iyo sodhawayn la,aantii uu Muuse biixi kala kulmay bulshada ku dhaqan degmada sheekh iyo badiba tuuloyinka ku teedsan jidka isku xidha magaaloyinka berbera iyo burco, isla markaana taagero umuujiye musharaxa dhigiisa ee-(c/raxmaan cirro)- iyo wacdarihii ay  ku garab istaagen xisbiga mucaaridka ee wadani.

Amuurtan ayaa la odhankara waa tadhalisay  in masuuliyinta sarsare ee xisbiga kulmiye  Talaaboyinkii ay Ku bartilmaamedsaden qaar kamida tageerayaashii ugu cadcadaa ee xisbiga wadani eek u sugna tuuloyinka( Qoyta iyo galoolay)

Intaasi ka dib waxa bilaabmay hayaanka ay uso kicitimayaan  wafuud kala duwani oo isugu jirta wasiiro Madaxda heer gobol  iyo xubnaha sarsare ee xisbiga kulmiye iyo qaar kamida xildhibaanada golaha Deeganka degmada berbera oo iyana shirar laqaadanaya dhalinyarada iyo odayaasha ardaayada ama Jilibada ay ku abtirsadaan ee kusugan magaalada sheekh iyo nawaaxigeeda.

Waxa kalo iyaduna barbarsocoda  olole balaadhan iyo udiyaar garowga sodhawaynta sidii anay mar labaad anay ugu dhicin -(gudoomiye muuse biixi)- iyado oo adku arkayso goobaha barkulanka dayar tiro badan oo lagu keenayo basas iyo furashada xafiisyo cusub iyo biro Dhaadher oo laga taagay jidadka waa weyn ee dhexmara magaalada sheekh siloogu xidho calanka Labada midaba ee astaanta uu ah xisbixaakimka kulmiye .

 

Cbdirashiid mubaarik (suul)

063-4281151

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here