War Deg Deg Ah:-Nin Darawal Ah Oo Xalay Lagu Dilay Degmada Oog Ee Gobolka Saraar+Cidda Dishay Iyo Sababta Loo Diley

0
28
Hargeysa(Saxilnews)Wararka naga soo gaadhay degmada Oog oo ka tirsan gobolka Saraar soona gaadhaya xafiiska shabakada wararka Saxilnews ayaa waxay sheegayaan in dabley hubaysan ay xalay deegaanka Oog ku dileen nin darawal ah.

Waxaana ninkan ay dableydan hubaysani ay dileen uu waday mid kamid ah gaadiid ay leedahay shirkadda Socdaalka ee Yaasmiin oo u kala baxda gobolada bari ee Somaliland iyo Maamulka Puntland,gaadhigaas oo ahaa kuwa loo yaqaano Mini Bus-ka (Basaska Yar-yar),waxaana sida Ramaasnews loo xaqiijiyey baskaasi la socday rakaab,waxaana ay kasoo baxeen magaalada Boosaso ee maamulka Puntland isaga oo usoo jeeday magaalada Hargeysa ee caasimada dalka Somaliland.

Dableydan Ayaan darawalka markii uu marayey deegaanka Oog gaar ahaana meel qiyaas ahaan 1Km u jirta Kaantaroolka Bari ee degmada Oog ayaa waxay ku fureen rasaas,taas oo sababtay inay kaga dhacdo madaxa,waxaana sidoo kale dableydaasi ay baadheen Rakaabkii saarnaa Baska iyaga oo ka furtay waxii alaab ahaa ee ay wateen.

Ninkan darawalka ah ee ay dableyda hubaysani jidgooyada u galeen ee ay dileen ayaa dhalasho ahaan kasoo jeeda sida naloo sheegay deegaanka Badhan ee gobolka Sanaag,waxaana maydka marxuunkani uu yaala cusbitaalka magaalada Caynaba ee xarunta gobolka Saraar.

Ciidamada Booliska Saraar oo kaashanaya kuwa Laascaanood ayaa waxay baadhitaano iyo dabagal ku hayaan dableydii dilka gaysatay xalay.

Gudoomiyaha gobolka Saraar Cali Maxamed Faarax oo shabakadda wararka Ramaasnews isku dayday inay khadka telefoonka kula xiidho si ay wax uga waydiiso dilka dhacay xalay ayaanay noo suurto galin telefoonkiisa gacanta oo nooga jawaabi waayey awgeed.

Gabagabadiina dilalkan dableyda hubaysan ay u gaysanayaan dadka ayaa ah kuwo soo noqnoqda taas ilaa hadda xukuumadihii usoo kala danbeeyey Somaliland aanay ilaa hadda wax maaro ah u helin xakamaynta dilalkaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here