War Deg-Deg Ah: Masuuliyiintii Lagu Afduubay Badhan Oo Haatan Dib U Helay Xorriyadoodii

0
27

Badhan (SAXILNEWS)_Waxaa maanta xorriyadoodii dib u helay masuuliyiinta kala ah Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka Somaliland ee gobolka Sanaag Axmed Cali Biixi , iyo guddoomiyaha hay’adda Samofalka Taakulo, Cumar Jaamac Faarax.

 Labada mas’uul oo ka tirsan Somaliland, oo shalay lagu qabsaday degmada Badhan, warkan ayaa waxaa loo xaqiijiyey laanta afka Soomaaliga ah ee BBC-da, waxaanay u cadeeyeen in xorriyadoodii loo celiyay oo la soo daayay dhammantood oo ka koobnaa sideed ruux.

Waxay sheegeen in ciidamo deegaanka Sanaag bari oo taageersan Puntland ay ku haysteen magaalada Badhan, wax dhibaato ahna aanay u geysan.

Masuuliyiintan oo haatan ku soo jeeda degmada Ceerigaabo, waxay markii hore u tageen deegaanka Sanaag bari wacyigelinta diiwaangelinta codbixiyaasha doorashada Somaliland ee la filayo march 2017.

 

 

maxamed xasan 

berbera2002@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here