Berbera (saxilnews.com) Doon magaceeda La Odhan Jiray Maxamed Naciim oo Dabayaaqadii Bishii Ramadan kasoo Shiraaqatay Dekada Dubai
ee dalka Imaaraadka carabta oo u rarnayd ganacsato Reer Somaliland ah ayaa saaka degtay, sida Cabdiraxiim Saleebaan Jaamac oo kamid ah ganacsatada ay doontu urarnayd uu sheegay Hadhwanaagnews.
Sheekh cabdi raxiim ayaa xaqiiiyay in Doontasi Degtay saaka Xiligii salaada Subax Lagu Jiray Kadib markii dabaylo Xoogan oo ah Kuwii xagaaga ay ka Horyimaadeen Socodkuna ku adkaaday, Cabdiraxiim Wuxuu Intasi ku daray in Doontu u Jirtay Berbera masaafo dhan 140 Mail lakiin ay Awood u wayday Dabaylaha Xoogan daraadood in ay soo jiidho waxaana isku dayday in ay dhufays ka dhigato inta dabayshu yaranayso magaalo xeebeeda mukla ee dalka yemen laakiin taasi way usuura gali wayday ayuu yidhi.
Sheekh cabdiraxiim ayaa sheegay in laga badbaadiyay shaqaalihii doontaa waxaanu guray diyaaradaha tooska u kaca ee helikobtarka looyaqan, inta wuxuu ku daray in shaqaalaha doontu ahayeen Hindi.
Doontan ayaa waxa sarnaa 50 babuur oo kala duwan iyo ganacsi kala duwan oo dhawar milyan oo doolar ku dhawaa sida uu qiyaasay mr cabdiraxiim oo ku sugan Dubai.
Sida wararku xaqiijiyeen Shirkada daldhis ayaana ugu Khasaare Badnayd waxaana ka srnaa aduun dhan sideed boqol oo kun oo doolar inkastoo khasare xoogani soo wada gaadhay guud ahaanba ganacsadatii ay u rarnayd doontani