Waxaana labada kooxood naloo sheegay inay kala ahaayeen koox ka socotay shirkada qaadka ee 571 ama Ina Af-diinle iyo ciidamada ilaalada madaarka magaalada laascaanood.
Israsaasayntani ayaa dhacday kadib markii diyaarad ay leedahay shirkada qaadka 571 ama Ina-afdiinle oo sidday qaad ay soo cago dhigatay garoonka diyaaradaha magaalada laascaanood,taasi oo sida la sheegay la diiday in la cashuuro qaadkii ay sidday diyaaraddu,halkaasina uu ka dhashay muran iyo is qab-qabsi xoogan iyo waliba inay israsaaseeyaan labadii kooxood.
Waxaana israsaasayntani markii ay dhacday kadib ay ciidanka ilaalada madaarka magaalada laascaanood naloo sheegay inay rasaas ay soo fureen ay ku dhacday nin kamid ah kooxda shirkada qaadka 571 oo ka ag dhawaa goobta dirirtu ka dhacday,halkasina uu ku geeriyooday.
wararka ayaa waxay intaa ku darayaan in mudooyinkii u danbeeyeyba uu muran ka taagnaa garoonka diyaaradaha magaalada laascaanood,taasi oo ay isku haysteen laba shirkadood oo qaadka keena magaalada laascanood kuwaasi oo kala ah shirkada qaadka ee 571 iyo shirkada qaadka ee uu leeyahay ganacsadaha Jabuutaawi..
Ila hadda lama garanayo sababta kaliftay inay is rasaasayntani dhacdo laakiin waxa socda baadhitaano la taxaluqa sababaha kalifay muranka iyo israsaasaynta labada kooxood.
Waxii warara ee kasoo baxa is rasaasayntaasi kala soco shabakada wararka Saxilnews