Borama (Saxilnews)_Dad cadhaysan ayaa dab qabad siiyey guriyaha taliyaha qaybta gobolka Awdal Cabdi Barkhad Araweelo. taliyaha gurigiisa ayaa ku yaallay xaafadda fardaha ee magaalada Boorama.
Dadkan oo aad u cadhaysanaa ayaa gebi ahaanba dab qabad siiyey guriga taliya, kuna amray dadkii gudaha ku jiray inay guriga iskaga baxaan.
Dadkan ayaa ka cadhaysnaa dilkii shalay ciidamada ammaanku ku dileen wiil dhallinayaro ah. ciyaartii shalay ka dhacday garoonka magaalada Boorama, taasi oo ay isakaga hor yimaadeen labada xul ee Maroodi-Jeex Iyo Borama.
Dilka wiilka illaa hadda xukuumaddu kamay hadlin,
Dadka reer Boorama ayaa aad uga cadhooday dhibaatadii ka dhacday laba maalmood gudahood garoomada kubbada ee Boorama. dhinaca kale waxaa illaa shalay hadallo kooban ka yidhi xillibaanno ka soo jeeda Gobolka Awdal dagaalada ka Dhacay Boorama, waxaanay sheegeen inay ka danbeyso xukuumaddu.
Khasaaraha ka dhashay guriga taliyaha ee la gubay wali ma cadda.
Wixii faah-faahin ah kala soco saxilnews
maxamed ilkacase
berbera2002@gmail.com