WAR DEG-DEG AH:- CIIDANKA POLICEKA GOBOLKA SAAXIL OO XABSIGA U TAXAABAY LABA WARIYE, TOBON QOFNA BAADI GOOB UGU JIRA
Berbera (saxilnews.com)-Ciidanka policeka gobolka saaxil ayaa manta xabsiga u taxaabay laba wariye oo kala ah wariye axmed siciid max’ed oo ka hawl gala tvga kalsantv & Wariye C/raxmaan cige oo ka hawl gala somnewstv kuwaas oo ka mid ah warbaahinta madax banana ee gobolka saaxil ka hawl gasha
Xadhiga labada wariye ayaa waxa amarka soo bixiyey wasiirku xigeenka xanaanada xoolaha s/land Cali Max’ed Cilmi sida ku cad warqad ay sitaan ciidanka policeku
Sidoo kale ciidanka policeka ayaa baadi gooba ugu jira sidii loo soo qab qaban lahaa 8 qof oo ka mid ah Mujaahidiintii Snm & Cuqaasha gobolka saaxil
Arinta xadhiga tobonka qof ayaa salka ku haysa in uu wasiirku uu doonayo cidii ka hadashay ee diidey in haamaha Shidaalka shirkado shufto ah lagu wareejiyo uu xidhi doono iyo wariyaasha ka duubaba
La Soco Wararka ka soo kordha goor dhow