Hargeysa(saxilnews):-Ciidamada amaanka ayaa ku guulaystay inay kala kaxeeyaan dadweyne iskugu degmada Gacan Libaax ee magaalada Hargeysa kuwaas oo abaabulayey mudaharaad lagaga soo horjeedo xildhibaano xidhan.
Sida ay Hadhwanaagnews u xaqiijiyeen dad goob joogayaal ahi, shacabkan isku soo baxay ayaa taayiro ku gubay waddada ugu muhiimsan degmadaasi, kuwaas oo dalbanayey in la sii daayo xildhibaan ay sheegeen inuu ku xidhan yahay saldhiga degmadaasi.
Ma jiro war faah faahsa oo ay ciidamada amaanku ka bixiyeen dadkaas mudaharaadka abaabulayey ee ay kala kaxeeyeen.
Wixii Warar Ah Ee Ka Soo Kordha Kala Soco saxilnews.com