Hargeysa (Saxilnews):- Xisbga mucaaridka ah ee UCID ayaa waxaa uu hanbalyeeyey mid ka
mid ah xildhibaanada Cusub ee baarlamaanka aqalka hoose ee dalka Somaliya
Yuusuf Kayse Cabdilaahi xoghayha warfaafinta xisbiga UCID ayaa waxaa uu soo dhigay barta uu ku leeyahay shabakada xidhiidhka Bulshada ee Facebook qoraal iyo sawir wada socda oo uu ku hanbalyeynaayo mid ka mid ah xildhibaanada aqalka hoose ee dalka Somaliland oo lagu magacaaabo Xildhibaan Biixi Iiman Cige .
Muddane Yuusuf waxaa uu xisbiga UCID ka yahay masuulka ugu sareeya dhinca warfaafinta hadalka uu ku hadlanaa waxaa uu noqon karaa mid ka turjumaya fikirkii xisbiga oo uu warbaahinta u gudbinaayo
Xildhbankan cusub ee uu masuulkan ka tirsan xisbiga UCID hanbalyeynaayo ayaa waxaa ay qabiil ahaan ka soo wada jeedan Xogahye Yuusuf Kayse
Si kastaba ha ahayee arintan ayaa waxaa ay ku soo beegmaysaa xili maanta la magaalad Moqdisho lagu dhaarinaayo xildhibaanada cusub ee baaralmaanka dalka Somaliya
Halkan Hoose Ka Akhriso Qoraalkii Yuusuf Kayse Ku Hanbalyeeyey Xildhibaankaas