War Culus Mid Ka Mid Ah Masuulyiinta Xisbiga Kulmiye Oo Moqdisho Ka Degay Iyo Sababta Uu U Tagay 

0
20

Hargeysa (Saxilnews) :- Warar xog ogaal oo ay helayso shabakada Saxilnews.com waxaa

ay sheegayan in magaalada Moqdisho ee xarunta dalka Somaliya uu ka tegay mid ka mid ah musdanbeedka xisbiga Kulmiye

Sarkaal oo lagu Magacaabo Maxamed Cabdilaahi Cumar horena u ahaa wasiirkii hore ee arimaha dibada ee Somaliland ayaa xoguhu noo xaqiijiyeen in maalintii shalay ahaa uu ka degay garoonka diyaaradaha ee magaalada Moqdisho .

 

Debo galo badan oo ay shabakada Saxilnews.com sameysay waxaa ay xogo kala duwan ka heshay sababta uu halkasi u tagay sarkaal ka tirsan xisbiga Kulmiye waxaana ay xogahan qaar ka mid ah noo sheegen in u halkaasi u tagay sidii uu ugu olaleen lahaa mid ka mid ah musharaxiinta madaxweyne ee dalkaasi ee baratanka ugu jira in uu tartanka madaxweyne nimo ku guuleysto balse xogahani noomay xaqiijin cida uu yahay musharaxaasi uu Maxamed Cabdilaahi Cumar olalihiisa xamar u tagay .

Siyaasi Maxamed Cabdilaahi Cumar waxaa uu ka mid ah yahay masuulyiinta ugu dhaw dhaw gudoomiyaha xisbiga Kulmiye Musharax Muuse Biixi isla markaana waxaa xilkii wasiirnimo ee uu xukuumada ka hayey looga qaadey isaga oo la saftey garabka Muuse Biixi mar uu khilaaf cakirani ka dhex qarax xisbiga Kulmiye iyo madaxtooyada .

Si kastaba ha ahayee Shabakada Ilaysnews.com markii ay xogahani heshay waxaa ay isku deyday in ay wax weydiiso masuulkan uu khuseeyo warkani balse xidhiidh dhinaca telefonka ah oo aaanu sameynay noomey suurto galin ka dib markii labadiisii telefoonba ay ahayeen qaar dansan ama bakhtiisan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here