War Culus: Ciidamada Liyuu Booliska Oo Shalay Si Arxan Daran U Jidh-dilay Madaxweyne Ku-xigeen C/raxmaan Saylici Iyo Guddoomiye Muuse Bixii + Kana Hor Istaagay Inay Ka Qaybgalaan Salaadii Jinaasada Ahayd Ee Maydkii Marxuum Wariye Cawke.

0
23
Hargeysa (SAXILNEWS)_Ciidamada ismaamulka dowlada degaanka somalida itoobiya ee Liyuu booliska gaar ahaan ilaalada madaxweynaha dowlad degaanka ismaamulka somalida itoobiya Cabdi Maxmuud Cumar iley, ayaa maalintii shalay ahayd magaalada tog-wajaale ku jidh diley Madaxweyne ku-xigeenka somaliland C/raxaam Saylici iyo guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE ee muuse Biixi Cabdi, kadib markii ay isku dayeen inay ka gudbaan xadka wajaale , xili la xidhay oo ay socotay tukashada salaada jinsaada maydkii marxuum weriye Cawke oo lagu aasay shalay magaalada tog-wajaale daanta itoobiya .
Falkan jidh dilka ah ee ay ciidamada Liyuu boolisku u geysteen madaxweyne ku-xigeenka C/raxmaan saylici iyo guddoomiye muuse Biixi, ayaa dhacay xili ay u tageen magaalada tog-wajaale ka qayb-galka aaskii qaran ee loo sameeyey alle ha u naxariitee marxuum Weriye Axmed Xasan Cawke., waxaana la sheegay inay ciidamada Liyuu boolisku la dhaceen labada masuul ullo iyo dhirbaaxo iyo weliba riixitaan,iyadoo la sheegay inay lamada masuul ka soo cadhoodeen inay kaba qayb-galaan aaska oo ay yimadeen
Doodii Saylici Iyo Muuse Biixi
Madxweyne ku-xigeenka C/raxmaan saylici iyo guddoomiye Muuse Bixii ayaa markii ay ciidamadu ku hor-joogsadeen xadka itoobiya ku dooday inay yihiin madaxweyne ku-xigeenkii iyo guddoomiyihii xisbiga KULMIYE,balse ciidama ayaa ka diiday doodahoodi waxaanay ku soo celiyeen  daanta ay somalliland maasho xadka ee magaalada  wajaale.
Dhanka kalena Madaxweyne ku-xigeenka ismaamulka somaliland itoobiye Cabdi Maxamuud Cumara iley, ayaa markii loo wargeeyey ku amray ciidankiisa in la soo daayo labada oday, waxaanu ka raaligeyey khaladka dhacay.
Si kastaba ha-ahatee C/raxmaan saylici iyo muuse bixii ayaa shalay kala kulmay ciidamada Liyuu booliska jidh dil aad u foolxun iyo bahdilaad,halka uu guddoomiye cirro iyo waftigiisa  ay ciidamada Liyuu booliska kala kulmeen soo dhaweyn iyo qalbi furan.

 

 

SAXILNEWS005@GMAIL.COM

 

WAJAALE/OFFICE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here