Wakiilad Maraakiibta Oo Saaka Xafiisyada Iridaha Ufuray Subaxnimadii Hore .

0
43

Berbera (Saxilnews.com)-Xafiisyadii Wakiilada Maraakiibta Berbera Ayaa Saaka Lixdii Subaxnimo Iridaha ufuray xafiisyadoodii kadib markii dawladu amar adag kasoo saartay lacagihii ay qaadi jireen waxayna dawladu amar ku siisay inay qiimaha lacagta $85 Dollar ah ay kusoo fadhiisyaan mudo gaaban oo ku siman 7 maalmood oo ay dhankooda ku doodeen wakiilada maraakiibtu inay dawladu u ogolaato mudo yar oo nidaamka Ay ku fadhiisiyaan (System) lacagta cusub ee dawladu go aamisay taasi oo khasab ku noqotay inay ku qanciyaan Shirkadaha caalamiga ah ee ay wakiilada u yihiin 5 shirkadood ee lacagaha shacabka xalaashaday .

Lacagta ay dawladu soo saartay ayaa la qaadi doona wixii ka danbeeya maalita sabtida ee fooda anagu soo haysa hadii alle idmo .

Dhaqangalka wareegtada Wasaarada Ganacsiga ay fursada ganacsi ama tartan ganacsi usamayn doonta tujaarka doonaysa inay badeecadaha dalka dibidiisa ka keenaan.

Xafiisyada wakiilada ayaa saaka shaqdii bilaabay iyagoo ka cabsi qaba ina meesha laga saaro hadii ay amarka dawlada qaadan waayaan .

wiixii faahfaahin ah lasoco shabakada Saxilnews.com.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here