Ururka ayaa sheegay in wakhti dhow in la soo gabagabeynayo howlgalka nabad ilaalinta AMISOM ee Soomaaliya,sida uu sheegay guddoomiyaha ururka.
Howlgalka AMISOM ayaa Soomaaliya ka socda muddo ka badan toban sanno,waxaana tan iyo xilliga ciidamada qaybta ka ah AMISOM ay la dagaallamayeen ururka al-Shabaab oo loo arkaayey caqabada kaliya ee hortaagan nabadda Soomaaliya.
“Qorshaha ay ciidamada AMISOM uga baxayaan Soomaaliya waa mid ku salaysan shuruuc cad,wuxuuna hadda qorshaha yahay 2018 inay ka soo baxaan ciidamada Soomaaliya.” ayuu yidhi guddoomiyaha Midogwa Afrika.
AMISOM ayaa muddada dheer ee ay dalka joogan,waxaa ay ku guuleysteen al-Shabaab in laga saaro magaalada caasimadda ah ee Muqdisho iyo deegaanno badan oo ku yaalla gobollada koonfurta iyo bartamaha dalka,laakin khatarta al-Shabaab ayaa wali taagan kuwaaso weerarro ka geystana Muqdisho iyo qaybo kale oo dalka ka mid ah.