Wafdi ka socda K/waqooyi oo tegey Seoul

0
26
Hyon Song-wol ayaa ah xiddigad indhaha koofurta soo jiidatayLahaanshaha sawirkaGETTY IMAGES
Image captionHyon Song-wol ayaa ah xiddigad indhaha koofurta soo jiidatay

Wafdi ka socda Kuuriyada waqooyi ayaa ku tegey Kuuriyada koofureed Socdaal taariikhi ah, si ay u soo booqdaan goobaha dhaqanka ee lagu qaban doono cayaaraha olombikada qaboobaha ee bisha soo socota dhici doona.

Waxaa hogaaminaysay Hyon Song-wol, oo ah gabadha madaxda u ah kooxda gabdhaha ee Moranbong, isla markaana aad looga yaqaanno waqooyiga.

Kuuriyada waqooyi ayaa ogolaatay inay wafdi u dirto cayaaraha, ka dib wadahadalladii ugu horreeyey ee heerkoodu sarreeyey ee labada dhinac ay yeeshaan muddo laba sano ah.

Go’aanka ayaa loo arkaa horumar laga gaaray dhanka diblomaasiyadda, ka dib bilooyin ay taagnayd xiisad ku saabsan barnaamijka Kuuriyada waqooyi ee Nukliyeerka.

Warbaahinta maxalliga ayaa muujisay wafdiga Kuuriyada waqooyi oo bas kaga gudbaya xudduudda aadka loo ilaaliyo, ka hor intii aysan imaanin caasimadda Kuuriyada koofureed ee Seoul.

Waxay yimaadeen kaabadda midnimada, halkaasoo ay koofurta uga soo gudbeenLahaanshaha sawirkaGETTY IMAGES
Image captionWaxay yimaadeen kaabadda midnimada, halkaasoo ay koofurta uga soo gudbeen
Cayaaraha ayaa u muuqda qaab lagu yarayn karo xiisadda u dhaxaysa waqooyiga iyo koofurtaLahaanshaha sawirkaGETTY IMAGES
Image captionCayaaraha ayaa u muuqda qaab lagu yarayn karo xiisadda u dhaxaysa waqooyiga iyo koofurta

Ayadoo ay boolis ku wareegsan yihiin ayey fuuleen tareen ku sii jeeday magaalada dhinaca bari ee Gangneung.

Laakin kaamarooyinku waxay aad u hayeen Hyon Song-wol.

Iyada iyo kooxdeeda 10ka gabdhood ka kooban ee Moranbong ayaa ah wajiga iftiimaya ee Kuuriyada waqooyi, waxaaana lagu tilmaamaa inay yihiin jawaabta Pyongyang ee kooxdiil a oran jiray Spice Girls.

Inta badan waxaa la arkaa ayagoo xiran goonnooyin gaagaaban iyo kabo taakooyin dhaadheer leh, waxayna qaadaan heeso u qaab eg kuwa reer galbeedka iyo qaar waddani ah.

Ms Hyon waxaa xataa si ku-tiri-ku-teen ah loogu xaman jiray inay saaxib la tahay hogaamiyaha, Kim Jong-un, walow ay taasi ku gacan sayreen dadka la socda arrimaha Kuuriyada Waqooyi.

Waxay hogaamin doontaa kooxda fanka Samjiyon ee ka kooban 140ka qof, oo lagu wado inay laba bandhig ku yeeshaan – mid ka dhacaya Seoul iyo mid ka dhacaya Gangneung – inta ay socdaan cayaaraha olombigga.

Labada maalmood ee booqashadoodan ayaa la filayaa inay qayb ka noqoto dhowr loogu diyaar garoobayo ka qayb galka ay cayaaraha ka qayb galayso Pyongyang.

Waa markii ugu horraysay ee saraakiil ka socota Pyongyang ay soo booqdaan koofurta muddo afar sano ah.

Koox kale ayaa iyaguna todobaadkan imaan doona si ay u eegaan loojiistikada cayaartoyda waqooyiga, ayadoo Seoul-na ay wafdi u diri doonto waqooyiga

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here