Waatan Xogta Caddaynta Ugu Filan In Goolhaye Kepa Uu Xalay Dib Iskugu Muujiyay Franka Lampard & Xog Uu Awoodi Waayay Xilli Ciyaareedkan Oo Dhan Oo Uu Sameeyay

0
15

Goolhayaha kooxda Chelsea ee Kepa Arrizabala oo ah xiddiga ugu qaalisan abid booskiisa ayaa xalay markale muujiyay sabab uu tababare Frank Lampard ugu soo aamini karo booska goolka kulamada kale ee xilli ciyaareedkan ka hadhan tartamada Premier League iyo Champions League.

Kepa ayaa shaxda kooxdiisa Chelsea kusoo laabtay kulankii ay xalay 2-0 ku jiidheen Liverpool ee qaybta ka ahaa wareega 16-ka ee FA Cup, Kulankaas ayay Blues labada gool ka heleen xiddigahooda Willian Borges iyo Ross Barkley.

Marka laga yimaado bandhiga guud, Mid kamida xiddigaha bandhiga ugu wanaagsan kulankaas kasoo sameeyay ayaa ahaa goolhaye Kepa oo dhawr badbaadinood oo cajiib ah sameeyay gaar ahaan qaybtii hore ee kulanka.

Arrizabalaga ayaa hal fursad ka sameeyay saddex badbaadinood oo xidhiidh ah iyadoo aad loogu amaanay qaabka uu ula tacaalay halistaas kaga timid xiddigaha weerarka Liverpool.

Xogta wanaagsan ee goolhayaha ree Spain loo diiwaan galiyay xalay ayaa ah inuu kulankaas kasoo sameeyay shan badbaadinood waana in ka badan badbaadinaha uu soo samaynayay kulamadii uu xilli ciyaareedkan soo ciyaaray.

Kepa ayaa kulankii uu ugu badbaadinta badnaa Premier League kasoo sameeyay afar badbaadinood halka uu kulankii uu ugu badnaa Champions League sidoo kale afar badbaadimo soo sameeyay.

Bandhigaas uu xalay sameeyay ayaa noqon kara mid dib ugu soo celiya shaxda kooxdiisa ee kulanka Premier League ee Everton kaddib markii uu booskiisa u waayay goolhaye Willy Caballero kulamadii ugu dambeeyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here