Waar Awood Aynu Kula Tacaallo Ma Haynee Maanta Ayey Talo Joogtaaye Is Dhex Yaaca Hala Joojiyo, Dadkana Si Fiican Ha Loogu Arimiyo”Aqoonyahan Jamaal.

0
21

Hargaysa (Saxilnews.com)-Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen oo kamid ah Haldoorka reer Somaliland Ayaa fariin qaylo dhaan ah oo la Xidhiidha Sidii looga Hortagi lahaa Cudurka dunida sida xawliga Ugu Faafaye ee coronavirus udiray xukuumada iyo gudida ku shaqada leh isagoo soo jeediyay in la qaado talaabo kasta oo lagaga hortagayo lana digtoonaado isdhex yaaca balse bulshada loo arimiyo.

Aqoonyahan Jamaal cali xuseen ayaa qoraal kooban oo uu arimahaasi kaga hadlayo ku baahiyay barta uu ku leeyahay xidhiidhka bulshada ee facebookga wuxuna udhignaa Sidan;

“Haddii Kabcaddii la Xidhay Si Cudurkan faafaya Dartii Si looga Hor Tago Oo Ay Dawladihii Islaamku Ay Dhamaantood Masaajidaddii Xidheen Si Dadka loo Badbaadiyo. Maxaa la Gudboon dadkeena? Ma waxa la sugayaa intuu cudurku dadka gumaadayo Ee Uu saameyntiisa yeelanayo. Waar awood aynu Kula tacaalo Ma haynee maanta ayeey Talo joogtaaye is dhex yaaca ha la joojiyoo dadka si fiican ha loogu arimiyo oo amaro waaweyn ha la dul dhigo.

Ilaahay inagoo kaashanayna ayeey hadana waajib tahay in ka hortag iyo badbaado la sameeyo. Waar hooy yaan cudurkan la yaraysan Ilaahay baa wax ilaaliyee culumo iyo dawladba maanta go’aan ay dadkooda ku badbaadiyaan baa horyaal.Ayuu aqoonyahan Jamaal cali xuseen hadalkiisa kusoo koobay

Qalinkii Aqoonyahan Jamaal Cali xuseen,

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here