Waa Kuma Xiddiga Ay Barcelona Saxeexiisa Doonaysay Balse Ay Uga Hadhay Sababta Real Madrid Oo Ay Kula Tartami Kari Weyday Dhaqaale Ahaan?

0
26

Kooxda difaacanaysa horyaalka La Liga ee Real Madrid ayaa u muuqata mid ku guuleysatay saxeexa daafaca Bayern Munich qaabka bilaashka ah kaga tagaya ee David Alaba walow ay Barcelona isku dayo ay ku doonayso samaysay.

Alaba ayaa si toos ah u caddeeyay inuu doonayo inuu iskaga tago Bayern Munich, iyadoo qandaraaskiisa kooxdaasi uu dhammaadka xilli ciyaareedkan dhacayo ayay saxeexiisa ku tartameen labada kooxood ee ugu waaweyn Spain.

Image

Wargeyska Marca oo si dhaw ula socday xaalada Alaba dhawaanahan ayaa ogaaday in wakiilkiisa Pini Zahavi uu dhawr kooxood oo waaweyn saxeexa xiddigiisa u bandhigay balse Real Madrid ayaa hadda u muuqata mid ugu dhaw.

Los Blancos ayaa ahaa kuwo mudo dheer xiisaynayay saxeexa xiddiga boosaska badan ka ciyaari kara ee ree Austria, dalabaadkiisa ayaa hadda saxeexiisa ka dhigay mid macquul ah.

Taas bedelkeeda Barcelona ayaa sidoo kale kamid ahayd kooxaha uu wadahadalada la yeeshay wakiil Zahavi balse kooxda ree Catalan ayaa tartanka ka baxday kaddib dhaqaalaha uu daafacu dalbanayo oo ku batay.

Blaugrana ayaa isha ku haysa saxeexa daafac dhexe balse go’aansaday inay xooga saaraan Eric Garcia oo ah 19 sano jir Manchester City ka tirsan si lamid ah Alaba-na heshiiskiisu dhacayo dhammaadka xilli ciyaareedkan

Real Madrid ayaa qudheedu u baahnayd xoojino daafaca ah, xaqiiqada ah in Alaba uu ka ciyaaro karo daafaca dhexe, daafaca bidix iyo waliba khadka dhexe ayaa ka dhigtay kuwo aan fursada ay ku helayaan lumin karin.

PSG iyo Man United ayaa sidoo kale ahaa kuwo u dagaalamayay saxeexa Alaba balse xiddiga ayaa ahaa mid markasta doonayay ka ciyaarista horyaalka La Liga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here