Berbera (Saxilnews.com)-Ururka xasaradaha adduunka ayaa ka digaya in khilaafka adage e ee u dhaxeeya dawladaha khaliijka Carabta uu khatar ku yahay oo uu wiiqayo deganaanshaha Soomaaliya.
Ururku wuxuu siyaasiyiinta Soomaaliyda Ugu baaqay in ay joojiyaan in ay la kala saftaan dhinancyada isku haya muranka khaliijka ka taagan sababtoo ah taasi waxay khatar galin kartaa qalalaasaha isa soo taraya ee Soomaaliya gudaheeda iyo sidoo kale Caasimadda Muqdisho iyo Jamhuuriyadda Iskeed madaxbanaanida ugu dhawaaqday ee Somaliland.
Wakhtigii Sacuudiga iyo imaaraadka Carabtu ay xidhiidhka diblumaasiyadeed u jareen Qatar sanadkii hore ayaa arrintani waxay dhibaato u keentay Soomaaliya taas oo xidhiidh la leh labada dhinacba.
Ururka xasaradaha
caalamka ayaa ku baaqay wada hadal dhexmara dawladaha Soomaaliya iyo Imaaraadka isagoo intaas ku daray xasilooni darro dheeri ah oo ka dhacday Soomaaliya in ay ka faa’iidi karaan Kooxaha Jihaad doonka ah.