Berbera(Saxilnews.com)-Ururka Suxafiyiinta Gobolka Saaxil Wuxuu komishinka Qaranka Somaliland ku Eedaynayaa inuu dhexdhexaad ka noqon waayey bixinta masharaaciicda wacyigelinta doorshooyinka ee ka dhici doonta gobolada iyo degmooyinka Somaliland ee ay gacanta ku hayso hay,ada Greative
Dhawr war bixinood Ayuu Kasoo Saaray Ururka Suxafiyiinta Gobolka Saaxil Waxanu kaga hadlayey amuurta ku saabsan maamul xumida iyo wax is Dabamarinta iyo sida khaldan ee ay wax u maamushay hay,adani Greative mashriicda wacyigelinta ee gobolada iyo degmooyinka Somaliland gaar ahaana ta gobolka saaxil .
Taasi oo ururka Suxafiyiinta Gobolka Saaxil si wayn uga biyo diiday iyadoon la Qaban Wax tartan Ah In hay,ada Creative Aay Ururo gaara Kooto Ugu Xidho Mashruuca Wacyi galinta Dooorashooyinka,
Dhamaan Ururada kale ee Maxaliga ah ee ka jira Gobolka Saaxil waxaa uu mar walba komishinka Qaranka la socodsiinayeen inay soo farogeliyaan Arinta ka dhaxaysa Hay,ada Greative iyo ururada wadaniga ah ee kusaabsan Nidaamka loo maamulay mashaariicda wacyigelinta Doorashooyinka oo ay Gabi Ahaanba Ururadu ka Tirsanayaan cadaalad darro iyo in la diiday in six or ah loogu tartamo mashraaciidaasi madaama uu yahay mashruuc ay uwada dhagtaagayeen dhamaanba urarada ka jira gobolada iyo degmooyinka Somaliland hase yeeshe aanu marnaba komishinka qaranka dhag jalaq usiin inuu isku dayo xalinta Arintani dhex taalay ururada Maxaliga Ah iyo Hay,ada Graetive.
Waxaanu u Aragnaa Urur Ahaan inuu komishinka Qudhiisu uu Qayb ka yahay dhibaatada iyo Cadaalad Darrada meesha Taala ,isla markaasina uu haayada Greative kula socdo Cadaalada darrada iyo dulmiga ay ku hayso ururada wadaniga ah
Warar laysla dhexmayaana waxay sheegayaan in komishinka Qaranka qudhiisu ku dhex Milmo Inta Badan Arimaha la xidhiidha mashaariicda kala duwan ee haayadaha calaamiga ah usoo mariyaan Somaliland komishinka Qaranka ,wararku waxay intaas ku darayaan inay xubnaha sarsare ee komishinku ay Gacan Saar hoos ku leeyihiin Arin kasta oo la xidhiidha dhaqdhaaqa dhinaca mashaariicda ee ay komishinku helaan ,
Inkastoo komishinka Qaranku ay door wayn ku leeyihiin hawl kasta oo la xidhiidha hawlaha doorshooyinka isla markana ay waajib ku tahay gogol xaadhka iyo inay qodaxda kasii guraan wax kastoo carqalad ku keeni karra habsami usocodka hawlaha doorashooyinka
Hadana waxaad mooda in is dhago marka iyo Go,aan qadaasho la,anta ay qayb ka tahay taag, darrida iyo cadaalad darrada ka muuqta komishinka qaranka waxayna dad badani is waydiinayaan in komishinka qaranka ee xalin karri waayey arinta yare ee ku saabsan mashaariicda wacyigelinta ee ka dhaxaysa Hayada Greative iyo ururada wadaniga ah, side ayey dhabarka ugu ridaynayaan hawsha baaxada leh ee doorashooyinka ka dhici doona dalka isla markaasina ay ugu xaqsoori doonan sadexda xisbi qaran