Hargeysa(Saxilnews)Ururka Dhalinyaradda Ee Barkhadle Oo Hadhimo Sharafeed U Sameeyay Wasiiru Dawlaha Biyaha Somaliland
Ayaaa hadhimo sharafeed u sameeyay ururka dhalinyaradda ee BARKHADLE hadhimo sharafeedaa oo daaranayd isbarasho iyo is xog-waraysi. Ayaa waxa hadalka ku horeeyay afayeenka ururka barkhadle Maxamed suudi cabdilaahi waxaanu ka sheekeeyay doorka waxbad ee ay ku leeyihiin beesha iyo deegan waxaanu intaa ku daray in uu aad u soo dhawayno wasiiru dawlaha wasaarada biyaha Somaliland Mudane Dhaga-weyne, dhanka kale waxa uu afayeenku sheegay in ururka barkhadle uu shaqaaleeyay qaar ka mid ah dhalinyaradda dagta koon furta hargeysa waxaana hadalka iskaga kala danbeeyay xubno ka mid ah ururka barkhadle oo ku dheeraaday wax-qabadka ururka . dhanka kale waxa hadalka sii qaatay gudoomiye ku xigeenka ururka barkhadle mudane Xamse yuusuf Ibraahin (Shirwac) waxaanu gudoomiye ku xigeenku sheegay in u aad u soo dhawaynayo wasiiru dawlaha biyaha waxaanu carababay in uu aad ula shaqaynayo wasiirka dhanka kale waxaana hadalka uga danbeeyay gudoomiyha ururka barkhadle mudane khadar axmed koosaar oo ka sheekeeyay guulihii uu gaadhay ururka barkhadle oo jira mudo dhan afar sanno waxaanu tibaaxay in ay wadda shaqayn dhaw yeelan doonaan wasiiiru dawlaha biyaha Somaliland, waxa halkaa isaguna ka hadalay haldoor , Maxamed Yuusuf Diir-qadhaadh oo ah gudoomiyaha jeeliyadda ee beesha Ciidagale Ee Uk oo u soo jeedyay talooyin wax u ool ah waxaanu Maxamed diir-qadhaadh ku dheeraaday in manta loo bahanyahay dhalinyaro midaysan oo dhisan waxaanu hambalyeeyay dhamaan madaxda iyo maamulka ururka barkhadle oo uu sheegay in guulo waaweyn ka soo hooyeen wacyi galinta qaadasha kaadhka cod-bixinta Ee Gobalka Maroodi Jeex waxaanu u rajeeyay in ay geediga halkaa ka sii wadaan , Ugu Danbayntii waxa hadalka la siiyay Wasiiiru Dawlaha Biyaha Mudane Cabdiqaadiir (Dhaga-weyne) waxana uu wasiirku ku dheeraaday in uu aad u soo dhawaynayo ururka dhaliyaradda ee barkhadle oo ay wadda yeelan doonaan wadda shaqayn dhow waxaanu talooyin iyo fariimo is barkan oo dhinacyo badan taabanaya u soo jeediyay haldoorka iyo xubnaha kala duwan ee ururka barkhadle. Dhanka kale wasiirku waxa uu sheegay in uu laga xoreebo qabyaaladda , ugu danbayntii waxa uu wasiirku ku booriyay ururka barkhadle in ay isku duubnaad
Waxaaanu halkaysa u soo qaatay “Gacmo Wadda Jirbay Wax Ku Gooyaan” waxaanu u mahad celiyay ururka dhalinyadda ee barkhadle oo u sameeyay hadhimo sharafeedan