urco:-(saxilnews.com) Ururka Khilaafada Islaamka IS ayaa shaaciyay cod laga soo duubay hogaamiyahooda Abu Bakr al-Baghdadi oo hore dhowr loo sheegay in la diley.
Cajalada maqalka ah ayaa qofka ka hadlaya waxaa uu ka hadlay xiisada siyaasadeed ee u dhexeysa dalka Waqoyiga Kuuriya,Japan iyo Maraykanka. Sidoo kale cajaladan ayaa waxaa uu hogaamiyaha kooxda IS uu soo hadal qaaday saldhigyada ay ku lahaayeen Mosul iyo dagaaladii loogaga saaray magaaladaas.
Baghdadi oo madaxiisa ay dul dhigtey dowlada Maraykanka lacag gaaraysa $25m ayaan meel fagaare ah lagu arkin tan iyo bishii July 2014 iyadoo laga bilaabo xillligaa ay soo baxayeen warar sheegayay in uu dhintey ama uu dhaawacmay.
Markii ugu horeysay oo lagu arkay meel fagaare ah ayuu Hogaamiyaha IS Abubakar waxa uu ugaga dhowaaqay Khilaafada Islaamka masjidka al-Nuri oo ku yaal magaalada Mosul iyadoo masjidkaana uu ku burburay dagaalkii u dhexeeyay ururka IS iyo ciidamada Ciraq.
Cajalada maqalka ee la baahiyay ayaa waxa ay soconaysaa muddo 46 daqiiqo ah waxaana la soo dhigey shabakad xiriir la leh ururka Alqaacida waana cajaladii ugu horeeysay ee la maqlayay tan iyo bishii November ee kal hore.
Hogaamiyaha ururka IS ayaa weli waxaa doondoonaya wadamada reer galbeedka ah iyo weliba wadanka Ruushka,bishii June ee sanadkan ayaa dowlada Ruushka waxaa ay sheegtay in ay duqeyn ku dishay Baghdadi hogaamiyaha IS magaalada Raqqa ee xarun u ahayd IS 28kii May