Ujeedada Guddi Isku Dhaf Ah Oo Ay Samaysteen Wadamada Shiinaha Iyo Soomaaliya
Muqdisho(SXN):-Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) iyo dhiggiisa dalka shiinaha oo ka wada hadlay horumarinta dhaqaalaha iyo ganacsiga labada dal ayaa si wadajir ah u sameeyay guddi dhaqaale oo ay xubna ka yihiin mas’uulyiin ka socda labada dal.
|
Dowladda Soomaaliya ayaa guddiga dhaqaale waxaa ku metelaya wasiirka ganacsiga iyo warshadaha, agaasimaha wasaaradda arrimaha dibadda ee Aasiya iyo safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Shiinaha.
Dhanka kale, ra’iisul Wasaare ku-xigeenka ayaa maalinta berri ah gobalka Hunnan ee dalka Shiinaha uga qayb gelaya munaasabadda daah-furka dhoofinta ganacsiga iyo dhaqaalaha ee ka dhexeysa Shiinaha iyo Afrika iyo madasha iskaashiga ganacsiga iyo dhaqaalaha Shiinaha iyo Afrika.
—DHAMMAAD—-