Uganda oo sheegtay 12 askari laga dilay

0
35

Uganda (Saxilnews)-Dowladda Uganda ayaa sheegtay in 12 askari looga dilay weerarkii al-Shabaab ay ku qaadday toddobaadkan saldhig ay ku lahaayeen ciidankooda Janaale.

Afhayeenka ciidanka Uganda, Pandy Ankunda ayaa Saxilnews u sheegay in meydka toban ka mid ah ciidankaasi la keenay Uganda.

Waxa uu beeniyay tirada ay al-Shabaab sheegatay ee ah inay ku dileen weerarka in ka badan konton askari, isagoo intaa raaciyay in guddi baaritaan loo saaray si ay u soo baaraan halka ay wax ka khaldameen.

Dhinaca kale, taliyaha guud ee ciidanka Uganda, Katumba Wamala ayaa tagay magaala Muqdisho, kadib weerarka lagu qaaday ciidankiisa.

Ciidanka ka socda Uganda tiro ahaan waa kuwa ugu badan ee Midowga Afrika ka jooga Soomaaliya.

 

 

 

 

saxilnews/berbera

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here